Xukuumadda oo Mashaariic biyo-soosaar ka bilowday deegaamo ka tirsan D. Salaxley

0
550

Qore. Saleeban Kalshaale
Salaxley(Dawan)-Wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa ceel Riig ah oo laga qodayo Deegaanka Baha-dhamal oo ka tirsan Degmada Salaxley iyo Kayd biyood lagu kordhinayo mashruuca Biyaha Magaalada Salaxley dhagax-dhigtay maanta.

Mashaariicdan oo ay fulinayso wasaaradda horumarinta Biyuhu, waxa dhagax-dhigay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha, kaasoo sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha biyo-soosaarka ee Degmada Salaxley.

Munaasibada dhagax-dhigga labada mashruuc, waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Salaxley Ismaaciil shiine oo ka waramay xaalada dhinaca Biyaha ee degmada, baahiyaha jira iyo waxyaabaha laga qabtay, isagoo dhanka kalena uga mahad celiyey Xukuumadda waxqabadka dhanka biyaha ee ay ka hirgelisay degmadaasi sanadkan gudihiisa.

Xubno kamida madaxdhaqameedka Degmada Salaxley, ayaa iyaguna dhankooda si mugle u soo dhaweeyey Ceelkan Riigga ah ee laga qodayo deegaanka Baha-dhamal oo ay tilmaameen in baahi aad ah oo biyaha ahi ka jirtay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cumar Cabdilaahi Aadan iyo xildhibaano ka soo jeeda degmada oo iyaguna xaflada ka hadlay, ayaa xusay in waxqabad baaxadle oo aanay la qabin degmooyinka gobolka ee kale xukuumaddu ka fulisay degmada Salaxley.
“waxqabadka xukuumaddu ka hirgelisay degmada Salaxley waxaan isleeyahay Gobolka maroodi-jeex degmo kale oo mida lagama qaban, waxaanan rajjeynayaa in mashaariicdan biyaha wixii ka dhiman la dhamaystiri doono”sidaas ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka oo halkaasi ka hadlay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha, Axmed Cabdi Ismaaciil oo gabagabadii xaflada dhagax-dhiga Riigga cusub ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha suurto-geliyey hirgelinta mashruucan, waxaanu tilmaamay in uu kamid ahaa mashaariicda lagu diwaan-geliyey qorshaha qaranka ee baahiyaha dhanka biyaha.

Agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ay Xukuumadda talada haysaa ahmiyada ugu weyn siisay horumarinta adeegyada Biyaha, iyadoo taasi laga duulayana wasaaraddu fulisay barmaamujyo tiro badan oo ku taxaluqa biyo-soo-saarka.

“horaa baahiyaha biyaha loo soo uruuriyey oo loogu soo gudbiyey wasaaradda, wasaaradduna waxay mar walba ka howlgashaa in baahiyaha jira la soo dhamaystiro, baahiyahana mudnaan baa la kala siiyaa, iyadoo loo eegayo hadba sida loogu sii kala baahi culus yahay, markaa deegaankan howdku waa dhulka biyo la’aanta loogu dhinto.”ayuu yidhi.
isagoo hadalka sii wada waxa uu intaasi raaciyey “sidaas darteed xukuumadda maanta ee anagu aanu u qaabilsanahay biyuhu mudnaanta kowaad, ta labaad iyo ta saddexaadba madaxweynuhu wuxuu amar nagu siiyey in ay biyaha noqdaan, marka amaanka laga tago”.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Dhagax-dhigga riiggan , ayaa qayb ka ah daah-furka tobanaan mashruuc oo saddexdii bilood ee u dambeeyey masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta biyuhu ka bilowday gobolada dalka.

Leave a Reply