Qaar Ka Mida Siyaabaha Loo Horumarin Karo Wax Soo-Saarka Beeraha

0
1417

Qaybta hore ee qormadeenan (BEERAHA IYO DEEGAANKA) ee wargeyska Dawan waxaynku ku soo qaadan doonaa qaar  ka mida siyaabaha loo horumaryo dalagyada kala duwan ee beeraha iyo kor u qaadida wax soo saarka guud ee beeraha. Beeruhu: waa xudunta wax-soo-saarka noocyadda dalegyadda, waa goobta suura-gelisa in teyeda iyo tirada wax-soo-saarka uu  fiicnaado.

Beeraha ha lagu shaqeeyo wax-soo-saar kor ha loo qaado, dhulka ha la tabacado, balse su’aalaha is waydiinta mudani waxa ka mida:-

  1. Maxaa la beerayaa?
  2. Sidee baa loo beerayaa?

Yaa beeraaya?

  1. Sideebaa wax-soo-saarka kor loogu qaadayaa? Yakor u qaadaya? 4. Ma dawlada? Mise shacabka?
  2. Qaab noocee ah ayaa kor loogu qaadayaa?
  3. Sideebaana dhulka wax loogu beerayaa ama loogu tabceynayaa?

Dhamaan su’aalahaasi waxa baadi-goobayaan isla markaana raad-raadiyaan cidii ka jawaabi lahayd, mana aha wax dulucdooda iyo ujeedadoodu ku kooban tahay cid gaar ah,ama shakhsi keliya  balse waa arrin khusaysa cidkasta oo danaynaysa kana damqanaysa horumarinta iyo hagaajinta hanaanka wax-soo-saar ee wadankeena soomaaliya oo ay aafayeen dagaalo iyo baraaro soo noq noqday .

Qadobadan ayaa ah qaar wax badan ka badalaya qaabka waxsoo saarka beeraha:-

1- Waa in la abuuro khuburo ka qeyb qaadata tacabka wax-soo-saarka gaar ahaan dhamaan dalaqyada muhiimka ah  ee lacunaayo.

2- Waa in la unko oo la dejiyo qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo wax-weyn ka tara dardar-gelinta wax-soo-saarka dalka.

3- Waa in kor loo qaado heerka wax-soo-saarka dalagyada beeraha si fakhriga iyo baahida cunto yaraanta looga baxo.

4- Waa in la isu diyaariyaa, oo waliba xukuumadu xooga saartaa sidii loo samayn lahaa biyo-xidheeno iyo dhaamam waa weyn oo ka qayb qaata koob-cinta wax-soo-saarka.

5-waa in taba bar fiican lasiyaa beeraleyda soomaaliyeed .

6-wacyigali loo sameeyo dadka beeraleyda ah si ay u hormariyaan beerahooda  meelakastoo ay ka joogaan wadanka Somaliland.

Dawlad iyo shacaba waa in la iska kaashadaa harumarinta beeraha iyo gaca qabashada beeraleyda.

Beeraleyda waxa la gudboon in ay ku dadaalaan raacida talooyinka la xidhiidha arrimaha beeraha.

Leave a Reply