Wakhtiga Ay Joogaan Ayay La Dareen Yihiin!

0
533

Waxay kuwada noolaayeen hooyada iyo wiil yar oo ay dhashay makhsin kooban oo aan la hayn Jiingad sare. Wakhtigii roobk bilaabmay ee Guga ayaa Maalin roob aad u weyni soo da’ay, wiilka yari hore uma arag roob sidan u xoog badan.   Roobkiisa xoogiisu Markii usii batay ayay hooyadii albaabkii guriga soo saartay oo iyada iyo wiilkeedii yara hoosta ka galeen si uu roobka uga celiyo madaama gurigu aanu lahayn saqaf biyaha ka celiya.

Wiilka yar ayaa  markii uu roobka qaaday hooyadii ku yidhi “ hooyo dadka faqiirka ah ee aan lahayn albaab xagee ayay roobka ka galaan ?  Caqliga caruurta hadba marxaladda iyo wakhtiga uu joogo ayuu fikirkiisa leeyahay.  Waxaana uu dareemayaa in haddii aanay albaab haysan aanay helayn meel ay roobka ka galaan.

Leave a Reply