Xildhibaan ka Digay Dagaal ay Soomaaliya ku soo Qaaday Somaliland 

0
697

Hargeysa:  Xildhibaan  Naasir  Cali Shire  oo ka mid ah Mudaneyaasha  Golaha Wakiilada   ayaa ka digay  dagaalo  qaawan oo  Diblamaasiyadeed iyo siyasadeed     oo Soomaaliya ay ku soo  qaadday Somaliland.

Naasir  Cali Shire  oo Warbaahinta la  hadlay  ayaa u usoo jeediyay   Soomaaliya in ay ka waantoobaan    colaadda iyo  dhagaraha   ay ku hayaan  dalka  Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu intaa ku daray  in baraha bulshada (social media) laga wado  sidii  loo kicin lahaa shacabka  reer  Somaliland.

 

Naasir  Cali Shire  oo  rimahaa ka hadlayayna waxa  uu yidhi“Dhawr  jeer  oo  hore ayaan    ifiyay in  dagaal innagaga   socdo Soomaliya,dagaalkaas  oo  Somaliland  ku jihaysan oo  odhanaya  halkee baynu  Somaliland ka galnaa  iyo  sideen  Diblamaasiyadda uga  soo xidhnaa  iyo  in   nabada Somaliland  ka jirta  sidii  loo  carqaladayn lahaa  ee   dadka   layskugu  diri  lahaa,waxana jira   niman  dhallinyaro  ah oo  dhashay  1991  kii  wixii  ka  dambeeyay  oon  fikir  badan  ka haysan  wixii  loo  soo  maray   Qarankan    oo   lacag lagu  kasbaday.waxaanad  dib  ugu  fiirsataan   waxyaabihii  ka  dhacay   wadamada   Yaman  Masar  Liibiya  iyo  Sudan  waxa laga burburiyay  Social  Media  waxaanay  ku  bilaabeen  in  dhallinyaradaasi    maasayj ay u  diraan  waxaana y ku kiciyeen   dawladihii  markaa jiray  iyagoo  ku  andacoonaya in  aanay waxba jirin   taas  ayaana  keentay in  dawladahaa lagu burburiyo,”.

 

Waxaa kale o uu Xildhibaanku ka hadlay hubka dawladda Masar ay siisay Soomaaliya oo uu sheegay in uu halis ku yahay ammaanka guud ee mandaqada isla markaana waxa uu ku eedeeyay dawladda Masar in ay jebisay cunaqabatayntii hubka ee  sarnayd Soomaaliya.“wuxuu  noqonayaa  hubkaasi mid   lagu isticmaalo  dadka  Soomaaliyeed    waxaanay  ka  hor imanaysaa  Cunoqabatayntii  Hubka   ee   la  saaray Soomaaliya   Hadii meel  dab  yaalo dab  lagu  sii shido khatarteeda  ayay  leedahay,waxaanu  doonayaa Farmaajo  in  xoog  laysku  muquuniyo sabankanna  ma shaqeeyo  caqligaasi,cid  walibana  way ogtahy in  Somaliland  ay tahay  Qaran  jira  oo  taagan  waana  wax  lagu  qoslo.waana  Siyaasad  faashil ah in  Soomaaliya  tidhaahdo  Xildhibaan  ayaad tahay  dadka u shaqo  tegay  ee  ka soo jeeda  Somaliland  waxaanan    usoo  jeedinyaa in ay  ka waantoobaan  Colaadda  iyo  dhagaraha  ay ku hayaan  Somaliland.”.

 

Leave a Reply