‘Aan Ku Waalo’e, Haye Dheh’

0
1027

‘Damacu waa tilmaan aad u liita oo qofka wax isku falayaa uu ka xishoodo. Waa tilmaan la xidhiidha aragti ku dhisan dugaagnimo, taas oo ka dheer garaadka hagaagsan iyo garashada wanaagsan. Qofku markuu damco in uu wanaagga iyo kheyrka badsado, laguma tilmaamo qof damac-xumaani ay qaadey. Bal waxaa la yidhaahdaa, waa qof leh han sare oo uu tiigsanaya iyo hiraal qurxoon oo u muuqda. Dhan-kale, damacu waa fal-celis ka yimaada liidasho iyo u-muhashada walxaha ay naftu jeceshahay. Qofkaasi wuxuu isku ludhaa doonis dhal-dhalaal adduun iyo wax aanu calaf ku lahayn.”sidaas waxaa qoraal kooban waa hore ku yidhi nin lagu magacaabo Sadiq Enow.

Waxaa uu tilmaamay in damaacigu shakisan yahay, fullay yahay, noloshana ka baqdo, taasi keento inuu mar walba raadiyo wax aanu xaq u lahayn. Waxaana ka soo horjeedda qanaco.

Maxaynu ku keenay, inta aanan ka jawaabin, ka waran haddii aad lagu geliyo hami aad ogtahay inaanu rumoobayn, oo dabadeed, hamiggaas oo ku dhisan damac aad rumaysato. Ama aan si kale u dhigo, waad riyootay, waxaad ku riyootay inaad tahay madaxweyne maamula dhul aanu lahayn, gacana ugu jirin, dabadeed, waxaad doontay inaad rumayso riyadii. Gurrigaaga ayaad ugu yeedhay taageerayaal, dabadeed, waxaad tidhi waxaan dhisayaa Baarlamaankii ii dooran lahaa Madaxweyne, sidaas darteed, guddi ayaad saggaalkiinaasi ka tihiine raadiya murashaxiin inna ayidsan oo baahiddu khasbayso, kana soo jeedda dhulkaas aan dawladda u noqon doono, raadiya odayaal xulla oo iyana la mid ah. Dabadeed, intaad gurrigan keentaan inoo kala xula oo inta aad hubtaan inaanay waxba diidayn ee qabaan in ruyaddeenu saxan tahay soo saarra. Waxaa laga yaabaa inaad u qaadato nin waalan inaan ka waramayno, kama waramayno, maalin walba hortaadda ayay ka dhacdaa akhriste, waliba iyaddoo dawladdu iyo hay’ado taabacsan yihiin.

Waxaa sidan aan wax badan ka duwaneyn, waxaa tan la mid ah, Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa mudadii xil-hayntiisu dhamaad ku dhawaatay, waxaana uu ka shakiyay in mar kale loo doorto dawladda aan iskeed isu maamulin ee inta yar ka degan Muqdisho, waxaana uu goostay Damacu ma dhamaado’e. bal in marka koowaad uu isagu xusho, xeer u sameysto oo magacowdo taageerayaal daacad u ah oo uu ku magacaabayo inay Somaliland ku matalaan Somalia waa ruwaayad jirtay iyo Riyo-waali badan oo dunnida qaarkeed iyadda oo ka war-haysa taageerto. Doorkanse,waxaa xiisaha u sii yeelay Damaca Farmaajo.

Waxaa ka sii yaab badan, todobaadkan, waxaa Muqdisho ku kulmay Xubno hore riwaayaddaas u matalayay oo magaca Somaliland sitay iyo Guddi lagu magacaabay guddiga Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Waxaa kullankan lagu sheegay in ujeedaddiisu ay tahay in Xildhibaanada Somaliland ka soo jeeda laga talageliyo dhabaha ay tahay in loo maro Doorashada Mudaneyaasha labada Gole ee dooran donna madaxweynaha soo socta ee Farmaajo sameysanayo.

Kulanka xubnaha ka qaybgalay waxaa ka mid ah Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).  “Hambalyo Wakiilada ka socda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ee maanta yeeshay kulanka wadatashiga ah. Waxay kale oo la kulmeen Guddiga Wadajirka ah ee Labada Gole. Waa horumar weyn oo laga gaadhay helitaanka dhaqamada maamul wanaagga.” Sidaas waxaa yidhi  Mahdi Maxamed Guuleed. Maamulka la wanaajinayaa halkee ka jiraa..aan ku waallo’e, haye dheh.

Nin ka mid ah qolladii iyaga hore loogu guuray ee loo sheegay inay ku jiraan aqalka sare ee baarlamaanka Somalia oo magaciisu yahay Muxyadiin Sheekh Cali Jaamac ayaa cadhooday, waxaana uu diidan yahay in laga qariyay oo aanu wax door ah ku lahayn ruwaayadda soo socota ee abaabulkeeda matalaadu socdo. Ku lahaa, “Waxaa la sameeyay guddi aan nalagala wadatashan Xildhibaanno ahaan, waxaana xubno ka ah inta ku dhow dhow Villa Somalia, si aanay doorashadu u noqon mid daahfuran.”

Leave a Reply