Qaaraddii Iyo Dhulkii La Boobay!

0
76

Markii Chrotospher colombos helay qaaradda America sanadkii 1492, ayay dad badan oo cadankii Yurub ahi ka tahriibeen Qaaradda Gabowday ee Yurub iyagoo doonyo u raaci jiray Xeebaha America. Dadkan ayaa si dhib badan kaga talaabi jiray bad weynta Atlantiga.

Inta badan dadka cadaanka ahi waxay  ay ka baxsanayeen  dagaalo , gaajo iyo dhibaatooyin kale oo qaaradda Yurub waayaadaasi ku lammaana. Waxa ay  raadinayeen inay heleen dhul ay ku negaadaan oo nabad, nolol iyo amaanba ah.

 

Markii ay dadka cadaanka ahi ku soo bateen Maraykanka waxa buuxsamay magaalooyinka , waxa xad dhaaf noqday shaqo la’aanta, saboolnimadiina cirka ayay martay.

Dadkan qaxootiga ku yimi aya gumaaday oo cidhib tiray dadkii asal ahaan halkaasi degenaa.

Sebenkaasi  gaajada jirtay awgeed waxa la cuni jiray wax kasta oo ay ka mid yihiin xataa hilibka dadka. Dadka cadaanka Maraykanka ayaa dadkii degaana kaga eryay dagaal iyo xoog, iyo cidhibtir ama gumaad.

 

Waxa ay sidaasi u samaynayeen iyagoo u arkayay dhulka ay qabsanayaan inuu barwaaqo iyo nolol leeyaha kuna jiraan macadano kala duwan.

Sanadkii 1846 – 1848 ayaa Maraykaynku qabsaday gobolada galbeed iyo  koonfurta  ee maanta ka tirsan dhul weynaha Maraykanka, waxaana laga qabsaday dalka Mexsico. Taasi ayaa ka dhigtay in Mesico dhulkeeda kala badh uu qaatay Maraykanku,.

Dagaalkan waxa Mexsico  ku weyday gobolada Texas, New Mexsico, Colarado, Arisona, Califorina, Nevada, oo dhamaantood maanta ka tirsan Maraykanka. Kacdoonada Cunsuriyadda ee Yurub maanta ka socada ayay dadka qaarkood ku salaynayaan cabsi ay ka qabaan Qaxootiga ku soo badanaya inay kala wareegaan dhulkooda sidii ay iyaguba ula wareegeen dhul aanay asal ahaan lahayn. Waana sababta ay u cadaadiyaan madawga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here