Shimbir Basaasid Loo Xidhay!

0
546

Booliiska dalka Hindiya ayaa qabtay oo xidhay Shimbir maalintii Ciidda, waxaana ay sheegeen in Shimbirtan lugaheeda midkood ay ku xidhnayd kaatun ay ku qoraayeen tirooyin gudbinaya siraha, isla markaana u turjumaya xogaha uu helo qoraalo la fahmi karo.

Laakiin nin u dhashay dalka Pakistan ayaa sheegtay in shimbirtan uu isagu laha isla markaa numabrada kaatunka ku qorani ay yihiin tirooyin caadi ah oo isugu leeyahay.

Ninkan oo degan goob u jirta xadka 2.5 km ayaa cadeeyay in sababta shimbirtu u duushay ay tahay iyadoo u dabaal degaysa maalinta ciidda.  Ninkan oo magaciisu lagu sheegay Xabibulahi ayaa Hindiya ka codsaday inay u soo dayso shimbirtiisa. Waxaana uu yidhi :” Shimbirtu sir ma ururinayso waa astaan nabadeed” .  (dailymail.co.uk)

Dagaalka Shimbiraha ee labadan dal ayaa ah mid soo noqnoqda iyadoo bishii Oktoobar sanadkii 2016kii , iyadna la qabtay shimbir kale ka dib markii laga helay warqad hanjabaad ah oo ku socota Raiisel wasaaraha India.

Leave a Reply