Qalab lagu Wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

0
635

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Tamarta iyo macdanta JSl ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talo galay xannuunka Covid-19 ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka JSL.

Wareejinta Qalabkan caafimaad oo lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta Caafimaadka waxa ka hadlay, agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Maxamed Yuusuf, oo sheegay inay qalabkan soo bixisay shirkada batroolka ee Rek Gas, oo ay kaga qayb qaadanayaan dedaalada loogu jiro la tacaalida xannuunka Covid-19.

Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Tamarta waxa uu sheegay in qalabkani ka kooban yahay qalabka xumadda lagu baadho oo ka kooban afar kun oo xabo, qalabka hawl wadeennda caafimaadku xidhaan ee loo yaqaano PPE iyo siddeed boqol oo af-saabka ama marada afka lagu xidho isla markaana ay soo socdaan qalab kale oo loogu talo galay la dagaalkan xannuunkan.

Dhinaca kale, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey wasaaradda tamarta iyo macdanta iyo shirkadaha ay wada shaqaynta lee yihiin, waxaanu xusay in qalabkani wax ka tarayo dedaalada loogu jiro la tacaalida xannuunka coronavirus, isla markaana meelo kala duwan la gaynay doono qalabkaas sida kuwa xumadda lagu cabiro.

Ugu dambayntii waxa halkaasi lagula kala wareegay qalabkaasi caafimaad ee wasaaradda tamartu soo gaadhsiisay wasaarada horumarinta caafimaadka.

Leave a Reply