Goob Kasta Dalag Waa Laga Beeri Karaa!

0
748

Khubaro Chinese ah ayaa ku guuleystay inay bariis ku beeraan saxaraha Dubai, ka dib markii ay ciidda ku abuureen bariiska ‘drought resistant’ ee adkaysiga badan; iyagoo  isticmaalaya biyaha badda, tijaabadan ayaa lagu beeray dhul bedkiisu gaadhayo Hal Kiiloomitir, waxaana laga soo saaray 7500 kg oo dalag ah. Sida ay cadaysay shirkadda Chinese-ka ah ee mashruucan fulineysa.

Sida lagu daabacay wargeyska  The Telegraph“, Mr.Du Dele oo ah mas’uulka cilmi-baadhista beeridda bariiska adkeysiga u leh cusbada, ayaa yidhi: “Natiijada aan gaadhnay aad ayaan ugu faraxsanahay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan ogaannay inaan bariis ku beeri karno saxaaraha lama degaanka ah, farxad badan ayaanu helay.” Imaaraadka ayaa waxa u qorsheysan in 10% badka dhulkeeda lagu beero bariiska. Caado ahaan bariiska ayaa lagu beeraa dhul ku habboon iyo biyo macaan, laakiin horey looma ogayn habkan cusub ee ciidda loogu beerayo iyadoo la adeegsanayo biyaha badda.

Leave a Reply