Doorka Kalluumaysigu ka Qaadan karo Horumarka Dhaqaale ee Waddamada soo Koraya

0
712

Adduunka maanta, waxa kalluumaysta in ka badan hal bilyan oo qof oo ah dad danyar ah, kuwaasoo ku dabaqa nolol maalmeedkooda. Kalluunku wuxuu leeyahay nafaqo, taasoo u wanaagsan caafimaadka maskaxda iyo jidhka aadamaha, gaar ahaan carruurta, waxaanu qayb ka yahay isku dheeli-tirka caafimaadka qofka. Helitaankiisa fudud ee inta badan waddamada faqriga ka sakaw kalluunku waa cunto jaban, isla markaana qani ku ah barotiino uu jidhku u baahan yahay, kalluunku waa isha koowaad ee nafaqada.

Caalamka in ka badan 250 milyan oo qof ayaa si toos ah ugu tiirsan kalluumaysiga, isla markaana ku dabaqa noloshooda, sidoo kale waxa kalluumaysiga ka shaqeeya malaayiin kale oo siyaabo kala duwan uga faa’iidaysta sida hagaajinta iyo suuq-gayntaba. U fiirso dadka ugu faqiirsan kalluumaysigu wuxuu u yahay il dhaqaale, balse dadkaasi waxay u nugul yihiin oo aanay awooddin inay soo saaraan kalluun badan oo ay kaydiyaan ama iib-geeyaan, sababtoo ah ma haystaan qalab awood ku filan oo ay kula soo baxaan, isla markaana ku kaydiyaan. Kor u qaadida kalluumaysigu waxay horseedi kartaa horumarinta deegaamada miyiga, iyadoo meesha ka saaraysa noloshii adkayd ee dadkaas, isla markaana sare u qaadaysa dakhligooda dhaqaale iyo shaqo abuurkooda.

Horumarinta wax soo saarka kalluumaysigu waa door muhiim ah oo hoos loogu dhigi karo gaajada iyo faqriga malaayiin dad ah oo ku nool waddamada dhaqaalahoodu soo korayo. Wax soo saarka rasmiga ah ee kalluunku wuxuu xaqiijinayaa helitaanka cunto ku filan dadka, nafaqo joogto ah, kor u kac dhaqaale, horumar nololeed iyo barwaaqo.

Leave a Reply