Hargeysa – Xaalad Murugo Badan Hooyo 4 Carruura ku Weyday Dab ka Kacay Gurigeeda

0
832

Hargeysa (Dawan) Xaali Cumar waa Hooyo ILLAAHEY ku arsaaqay shan carruura, kuwaasi oo mar kaliya dab qabsaday, halkaasina ay ku naf waayeen afar ka mida ubadkii ay dhashay, halka wiilkii ka hadhayna uu haleelay xannuunka waalidu masiibadii haleeshay darteed, aabihii dhalayna uu ku sababsaday shilkaasi dhacay in uu waasho oo isna xuskiisi waayo, ila hadana aan la heyn meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Hadaba wiilka xannuunsanaya waxaa gacanta ku heysa Hooyaddii Xaali, oo aan wax shaqo ah heynin islamarkaana waxaa dabka u shida kolba xaafad.

Cid kale oo heysa ma jirto oo kaligii ayuu guriga ku xidhan yahay waana dhibka ugu weyn ee Hooyo Xaali heysa hadii ay u shaqo tagilaheyd.

Hooyo xaali. Waxay garab istaag ka sugaysa Waa inaga haa inteena gacanta wax u haysa ha la so waaciyo hooyadan dhibaataysan

Hooyo Xaali Cumar oo ay Ikraan Siciid Diiriye oo ka tirsan Idaacada Radio Hargeysa ay gurigeeda ku booqatay ayay dhibta iyo duruufta heysata ay uga warantay waxaaney tidhi iyadda oo murugada wajigeeda laga dheehanayo “Waxaan ahey Hooyo dhibaateysan afar carruura ayaa iga gubtay kii shanaadna waaniga halkaasi ku hayaa, marka hooyo dhibaateysan ayaan ahey muslimiinta walaalaheyna waxaa aan weydiisanaya in ay wax ii taraan

Gaba Gabadii

Walaalaha muslimiinta ahi ILLAAHEY darti hawgu gurmaddaan Hooyadan masiibada adduunyo ku dhacday islamarkaana qadarka ALLE ku weyday ubadkeedii imikana aan heysan waxaa wiilkan u  hadhay ee kaliya ay ku daryeesho, walaal soo caawi Hooyo Xaali Cumar iyo wiilkeeda.

Cidii ILLAAHEY dartii wax u siineysa hakala xidhiidho telefoonkeeda gacanta oo ah 0636599721

Sawirka Hooyo Xaali Cumar oo bulshada ka codsatay in la soo caawiyo ILLAAHEY darti

Leave a Reply