Mushkuladaha Iyo Sida Xalkeeda Loo Gaadho!

0
691

Wakhtiyada qaarkood waxa laga yaabaa adigoo ku sugan goob aad ka shaqayso oo ay haysato furayaal tiro badan oo isku wada midab ah, oo haddana mid kasta gaar u yahay albaab khaas ah , ayay dhici kartaa inaad rabto inaad furto mid ka ah albaabada.

Waxaana khasab kugu noqonaysa inaad furayaasha mid mid u tijaabiso si aad u hesho furaha kolba albaabka aad joogto. Mararka qaar markaad furayaasha wada baadho furaha aad u baahan tahay ee albaabka aad doonayso furayaa waxa uu noqon karaa ka ugu dambeeya, markaad dhamaantood kuwada tijaabisay furayaashii faraha badna.

Ujeedadu waa inagu waxa aynu isku deynaa, mashaakilkeena oo dhan in aynu muftaax qudha ku tijaabino si aynu markaasi xal u gaadhno. Muftaaxaa qudhihi markuu xal keeni waayana waxa inagu siyaada murugada, xal kalena ma raadino.

Hadaba maxaa inoo diidaya in aynu kolba muftaax tijaabino sida albaabka markii uu ku furi waayay furihii ugu horeeyay aad kii labaad ku eegtay , ilaa aad gaadhay kii furahiisa ah. Haa waa sidaa mushkulad kasta waxa jira fure u  gaar ah oo ay in loo adeegsado.

Hadaba farqiga u dhexeeya albaabka iyo mushkilada ayaa wuxuu yahay, albaab kasta muftaax qudha ayaa fura, laakiin mushkilad kasta waxa fura mafaatiix aad u tiro badan ee akhriste hadey arin kadis ahi kula soo deristo markaaba ha dhakafaarine baadh oo raadi Mutfaaxa ugu dambeeya ee mushkilada.

 

 

Leave a Reply