Xukuumadda Somaliland oo Deeq raashin ah ku Qaybisay magaalada Laascaanood

0
559

Hargeysa (SOLNA) wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo guddida xannuunka coronavirus ee gobolka Sool oo si rasmi ah u bilaabay qaybinta raashin loogu talo galay 3500 oo qoys oo ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Waxana qaybinta raashinkaas goob-joog ka ahaa wasiirka warfaafinta, maamulka gobolka, ka degmada Laascaanood, masuul ka socday hay’adda D.P.W, xildhibaano, guddida xannuunka Covid-19 ee gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

waxana ugu horayn halkaas ka hadlay maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u mahad celiyey guddida heer qaran oo ay sheegeen in ay raashinkaas soo gaadhsiiyeen gobolka Sool, isla markaana ay baahi weyn u qabeen dadka uu saameeyey xannuunka covid-19

Waxa kale, oo isna goobtaas ka hadlay madaxa horumarinta arrimaha bulshada ee hay’adda D. P.W Mustafe Cabdiraxmaan, oo sheegay in ay ka hay’ad ahaan raashinkan ugu talo galeen in ay kaga qayb qaataan xaalada adag ee uu sababay cudurka Coronavirus, isla markaana ay ku dedaalayaan in ay doorkooda ka qaataan hadba wixii soo kordha.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay xildhibaan Cabdiqaadir Mxamed Xasan (Indha-indho) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo guddoomiye ku xigeenka Hay’adda ka hortaga iyo Aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka Faysal, oo si isku mid ah ugu mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay deeqdaas raashinka ah ee loo qaybiyey dadka uu saameeyey xannuunka Coronavirus ee magaalada Laascaanood.

Waxa iyana halkaas ka hadlay xubno ka tirsan guddida Covid-19, ee gobolka Sool oo sheegay in raashinkaas ay u qaybiyeen dadkii loogu talo galay, iyaga oo intaas ku daray in baahidu intaas ka badan tahay laakiin ay ku qaybiyeen sida dadku u kala nugul yihiin.

 

uu qayb ka yahay raashin loogu tala galay dadka uu saamaynta ku yeeshay xannuunka Covid-19,.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu intaas ku daray in deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Xaysimo laga qaybin doono maalmaha soo socda raashin loo qorsheeyey dadka nugul ee ku dhaqan deeganaadaas.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in raashinka loogu talo galay 3500 ee qoys ee Laascaanood  “Macnaha u weyn ee aan halkan u wada joognaa wax kale maaha ee waa in aynu goob joog kawada noqono dhammaanteen inay gaadhay dadkii loogu tallo galay wixii ay dawladu u qorsheysay, waxaa aynu gabi ahaanteen markhaati ka nahay in Laascaanood lagaga qaybinayo shan goobood raashinkaasi, islamarkaana ay gaadhi doonto cid allaale cidii loogu tallo galay.

Qorshahani waxaa uu ahaa mid guud oo dawladdu qaban qaabisay, in badan ayaa iska kaashatay, hase ahaate dawlada ayaa ugu mudneyd cidii lacagtani bixisay”

Leave a Reply