10 Nooc Oo Ragga ka mid ah Oo Ay Tahay In Aanad Nolol La Wadaagin (Q.2aad)

0
778
  1. buun buuniye.

Ha aaminin nin kasta oo hadalkiisa mar kasta buun buunin iyo been ku daraya. Waayo maaha nin isku kalsoon, daacadna ay ka tahay inuu xidhiidh guur iyo nolol kula wadaago, waxa uu aamin sanyahay beentii soomaalidii hore ee la odhan jiray, beenna ku soo xero gali ruuna ku dhaq.  Inta aad dibadda joogtaan haddii aad ku aragto astaamo noocaas ah oo aad iska tirto adiga oo wax kale eeganaya ama il duufto, adigaa ka masuul ah hadhow wixii kaa qabsada ninkaa nolosha aad la qaybsatay.

 

  1. Nin dumarka yaraysta

Waa nin kula ballamaya, haddana si kedis ah u badalaya ballankii, ballan qaaad uu kuu sameeyayna waligii kama soo baxo. Ninkani waxa uu aaminsanyahay in dumarka oo ballanka lagaga baxaa tahay qayb ka mid ah ragannimada. Ma tix galiyo ra’yigaaga kiisana ku meel mari maayo.

Waxa uu isku haystaa maadaama oo uu nin yahay inuu kaa caqli badan yahay dhinac walbana kaaga fiican yahay, taasoo ah fikir qaldan oo uu iska dhaadhiciyay ama cid kale ka soo qaatay. Ragga Ilaahay swt masuuliyadda guriga iyaga ayuu u dhiibay, haweentiisuna waa inay ku ixtiraamto balse taa macneheedu maaha in aan iyada waxba la weydiin, ra’yigeedana aan la qaadan oo la cabudhiyo. Haddaba ninkaa dabeecaddiisu tahay inuu dumarka cabudhiyo oo aanu waxba ka dhagaysan maaha kii kugu habboonaa ee aad nolol farxad leh la wadaagi lahayd ee immikaba iska jir.

 

  1. Ninka agtiisa aanad dugsi ku dareemayn

Halkan maxaa looga jeedaa? Waa ninka dhiniciisa lagaaga soo dhacayo, macneheedu waxa weeyaan waa ninka mar kasta dabbaqaya hadalka dadka kale iyo afkaarta cid kale ula timaaddo ee aan tiisa ku meel marayn. Waxa uu u dhago nugul yahay wax kasta oo reerkooda ka soo fula, saaxiibbadii ka soo fula, iyo ciddii kale ee uu wax ka qaadan karaba, xataa haddii aanay duruufaha gurigiinna la jaan qaadayn. Waxa ka maqan qoftan ay nolosha isla qaybsadeen inay cid walba uga dhowdahay oo ay tahay inay isku fikir noqdaan. Maalin kasta waxa aad ku arkaysaa ra’yi cusub oo aan kiisii aad ku kala tagteen ahayn, taasoo caddayn u ah in dad gaar ahi saamayn weyn ku leeyihiin  hab fikirkiisa. Waxa iska cad ninkaasoo kale inaydaan sii wada socon Karin, haddii aad reer dhisataanna inaydaan sii waarayn waayo waa meel aanad dugsi ku dareemayn.

 

  1. Ninka naftiisa ma walba horraysiiya

iska ilaali inaad guri la tagto ninkan. Waayo hadhow waxa uu iska soo iibsanayaa shaadh qurux badan, adigoo adna ka fikiraya baahiyihii aasaasiga ahaa ee guriga. Kharashka yar ee soo gala waxa uu ka fuudh yeelayaa naftiisa, ama qaad ha siisto ama wax kale oo naftiisa cajabiyay, taasina hadhow waxa ay kugu noqonaysaa niyad jab weyn.

 

  1. Ninka hadafkiisa koobaad yahay galmo

 

Ninkani waa nin indho ku garaadle ah oo hammmigiisa koobaad yahay siduu kuu dareenkiisa jinsiga ah u gudan lahaa. Waa uu soo hamuumayaa oo aad arkaysaa inuu kugu soo maqan yahay oo aanu arkay masuuliyadaha kale qoyska. Waxaana hubaal ah marka uu dantiisaa guto in aanu iska sii jeedsanayo oo kaa hulleelayo. Ninkaas oo kale ha ku kadsoomin qosolkiisa iyo gacan furnaantiisa iyo sida uu kuu sharfayo ee uu kuu koolkoolinayo waayo hadafkiisu waa intaa aan kuu sheegay.

 

  1. Ninka dhabcaalka ah(bakhaylka ah)

Inta aanad meel la deign sii baro ninka bakhaylka ah waayo nolosha qoysku ma hayn karto   nin dhabcaal ah, nolosha qoysku maalin walba waxa ay galaysaa duruufo kuwii hore ka duwan, sidaa daraaddeed nin kuu xisaabiya wixii uu shalay ku siiyay oo kharashka isaga ka baxaya fahmaya balse aan dhug u lahayn duruufaha kala duwan ee maalin kasta la soo darsa reerkiisa. Suurtagal maaha ninkaas oo kale inaad reer dhisataan, sidaa daraaddeed ka sii taxadir. Waxa la yidhi saddex tolkaabaa kugu naca.  Hoo la’aan, Hiil la’aan, iyo Hoy la’aan.

 

C.raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.

Leave a Reply