Ka Joog Jabuutaay Waa Lagu Jabaye

0
889

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Wiigii ugu dambeeyey waxa baraha bulshada haystay dibad-baxyo ay dhigayaan shicibka reer Jabuuti, oo ay kaga soo horjeedaan muuqaal laga baahiyey askari ku xidhan mid ka mid ah xabsiyada dalkaasi. kaasi oo muuqaalka kaga warramaya xaalada darran ee uu ku sugan yahay. Casrigan lagu jiro hadal kama taagna awoodda ay shicibku u leeyihiin inay kursiga dibad-baxyo kaga tuuraan madaxda kursiga mudada dheer ku fadhiyey. Waxaana tusaale fiican inoogu filan “ Gu’gii Carabta” ee galaaftay madax badan. Hasaeyeeshee gu’gaasi carabta waxa ka soo baxay dhaliilo is-barakan oo faa’iido iyo khasaare leh. Reer Jabuuti sida ay wax u wadaan mid khasaare horseedi karta marka laga shidaal qaato wixii hore inoo maray. Xigmad ayaa ahayd” Nin geed dheer koray ayaa markuu figta sare gaadhayy laani la jabatay, isagoo bed-qaba markuu dhulka ku dhacay wuxuu yidhi “kaba fiican oo degistii ka hawl yar”.

Sawirka Ay Jabuuti Yeelan karto haddiiba kursiga laga tuuro Madaxweyne Geelle

Dhawr qoddob ayaa soo bixi kara oo ay ugu mudan yihiin

= Qoomiyada Canfartu waxa ay ku dhawaaqi doonaan maamul-goboleed ka madax bannaan dalka Jabuuti, iyaga oo taageero ka helaya dawladda Eratariya ee cadaawadu  u dhaxayso dalka Jabuuti. Beesha Ciise iyo qoomiyada Canfarta ayaa kala qixi doona, oo Canfartu waxa ay isugu biyo shuban doonaa meelaha ay ku awoodan badan yihiin.

= Beesha Ciise ayaa dhexdeeda dagaal sokeeye dhexmari doonaa. waxaan birta iska asli doona jilibadii mucaaradka ku ahaa dawladda oo ay ugu mudan yihiin Forlabe, Odax-gob iyo Yaruun iyo beesha madaxweyne Geelle ka soo jeedo ee Mamaamsan. Beelahan mucaaradka ahi waxa ay beesha Mamaasan u haystaan inay keligood manfaca dawladda cunaan oo ay ka qatan yihiin iyagu, sidii ay beelaha Soomaalidu geeska u geliyeen beesha Mareexaan wakhtigii lagu jiray dagaalkii dhexmaray MSBarre iyo jabhadihii xilka ka tuuray oo kale. Jilibka Furlabe wuxuu ku xoogan yahay Cali Sabiix, Odax-gob waxa ay ku badan tahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti wadaagaan, halka Yaruun ay deegaan u leeyihiin Carta. Mamaasan deegaankoodu wuxuu u badan yahay xadka ay wadaagaan Soomaalilaan iyo Jabuuti, ilaa Soomaalilaan ayey deegaanno dhawr ah ku leeyihiin.

= Guud ahaan dalka Jabuuti waa lix gobol oo kala ah: Dikhil, Tojoro, Obokh, Cali Sabiix iyo Carta. Tojoro iyo Obokh waxa deegaan ahaan iska leh ama ku xoogan qoomiyada Canfarta. Halka Cali Sabiix iyo Carta ay ku xoogan yihiin beesha Ciise. Sidoo Dikhil way wada degaan Ciisaha iyo Canfartu. Sidaasi markay tahay, gobolka Dikhil wuxuu dagaal ku dhexmari doonaa beesha Ciise iyo Canfarta, waayo Canfarta iyada waxa ay Ciisaha iyo beelaha  kale ee ay Jabuuti wada dagaan u arkataa Soomaali iyaga cidhiidhi ku haya oo deegaannadood ka qaadaya. Sidaasina ayaan loogu heshiinayn.

= Dhinaca caasimadu waxa ay ka koob tahay 7 degmo, laba degmo oo ay Canfartu degto oo kala ah Arxiiba iyo Xadadaabo mooyiye inta kale waxa deegaan ahaan ugu badan Soomaalida iyo Shisheeyaha kale.

= Markaa sawirka kuu soo baxayaa wuxuu noqonayaa inay noqon doonto Liibiya oo aan biyo is-marin. Waxa ay ku biiri doontaa dalalkii eeday kacdoonkii shacabkooda ee aan ilaa hadda ka bixin fowdadii ay galeen. Liibiya maanta waxa loo ooyayaa Kornayl Qadaafi, marka la eego siday xaaladu tahay. Madaxweyne Geelle waa inuu wax ka beddel ku sameeyaan hannaanku uu hadda waxa u maamulo isaga oo isha ku haya waxa ka dhacay deegaannada ku xeeran iyo caalamkaba. Haddii uu siyaasad furfuran la iman waayo, waxa dhici karta khatar ah inuu dalku burburo.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan,

Calicoomay@gmail.com

Leave a Reply