Taariikh Nololeedkii Fanaankii Cabdi Tahliil oo Geeriyooday

0
864

Hargeysa (Dawan) Taariikh nololeedka Fanaan Cabdi Tahliil oo geeriyooday.

Marxuum Fanaan Cabdi Tahliil Warsame ayaa wuxuu safka hore kaga jiray fanaaniinta Soomaaliyeed ee qiimaha iyo miisaanka culus ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed dhanka fanka Soomaaliya intii aan bur burin dowladdii Militariga ahayd ee Soomaaliya.

heesihii uu ku luuqeeyey marxuumka ayaa waxay kaalmaha ugu sareeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo aduunka ay ka joogaan.

Cabdi Tahliil Warsame ayaa wuxuu ku dhashay sida la sheegay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-dii.

Sannadkii 1968-dii ayaa fanaanka wuxuu ku luuqeeyey heestii Onkod taas oo aad u caan baxday iyadoo heestaas oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta heesaha Soomaalida waxaa Allifay una dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-dii ayaa waxaa uu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fanaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdulaahi Cumar Xarago,Cabdi Xasan Dige Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fanaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee Cabdi Tahliil uu la soo shaqeeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxda.

Cabdi Tahliil markii ay bur burtay dowladdii kacaanka waxaa uu ka mid noqday fanaaniinta dalka ka bixin ka dibna wuu xanuunsaday iyadoo muddo ku dhow 15 sano ahaa bukaan sariirta ka degin.

Waxaa xanuun hayaba alle ha uraxmadee Cabdi Tahliil caawa ayaa tii rabi utimid.

Leave a Reply