Wasaaradda caafimaadka JSL oo agab caafimaad u dirtay gobollada dalka

0
359

Wasaaradda horumrinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adda maxaliga ah ee Candle Light ayaa qaar ka mid ah gobollada dalka u kala diray gaadiid sida agabka caafimaadka ee lagaga hortago xannuunka Coronavirus.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Cabdi Ducaale Cali, Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Candle Light waxayna faahfaahin ka bixiyeen qalabkaas iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay, iyaga oo intaas ku daray in ay doorkooda ka qaadanayaan sidii looga hortagi lahaa xannuunka Covid-19, iyagoo sheegay in agabkaas caafimaad loogu talo galay gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Geesta kale, waxa in halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda gargaarka deg dega ah ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cumar Maxamed iyo madax fayo dhawrka iyo xannuunada xuduudaha iskaga gudba ee wasaaraddaasi Dr. Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), waxayn u mahad naqeen masuuliyiinta hay’adda Cnadle Light, iyaga oo fariimo caafimaad oo ku saabsan xannuunka coronavirus halkaa uga diray bulshada.

Leave a Reply