Alle ha ù naxariistee Axmed Jaamac Aar ayaan Khamiistii maanta aaskiisa kaga qaybgalnay Xabaalaha Sog-sogley ee galbeedka Magaalada Boorame.
Ilaahay samir iyo Iimaan ha ka siiyo qoyskiisii, Caruurtiisa iyo bahda Saxaafadda Somaliland oo uu oday talada muhani ku ah u ahaa. Marxuumku wuxuu ku dhashay Hargeysa 1956kii
Marxuum Axmed Aar waxaanu is baranay muddo haatan laga joogo 18 Sanadood. Xiligaasi oo uu ahaa sawir qaade madax-bannaan oo sawiradiisa kuwa ay u baahdaan siiya Jaraa’idka. Wuxuu ahaa sawir qaade xirfadiisa jecel oo ku faana kuna kalsoon.
Axmed Aar wuxuu Saxaafadda ku jiray muddo Afartan Sannadood ah. Wuxuuna ka soo shaqeeyey Wakaaladdii Filimada Soomaaliya oo uu ku biiray isagoo dhallinyaro ah horraantii Siddeetamaadkii.
Abokor Xasan Caafi oo ay muddo dheer rafiiq ahaayeen ayaa ii xaqiijiyey inuu Marxuumku wixii ka dambeeyey 1984kii ka mid noqday Sawir qaadeyaashii Telefishankii Dawladda Soomaaliya.
Sidoo Kale, Prof. Daahir Maxamuud Xaddi oo ay saaxiib dhow ahaayeen Axmed Aar, ayaa iigu daray inuu mar ahaa sawir qaade la shaqeyn jiray Koox Faneedkii Iftin ee Wasaaraddii Waxbarashada Soomaaliya.
Marxuumku wuxuu ahaa qof furfuran oo aanu ku eryeynin wejigiisu. Waxa kaloo uu ahaa bulshaawi asxaab badan oo nooga sheekeyn jiray barisamaadkii uu soo maray iyo maalmo adkaa oo uga dambeeyey isaga iyo jiilkiisii.
Wuxuu ahaa dadkii Saxaafadda igu soo dhaweeyey tallooyinkana igu kabi jiray. Wuxuu faq iyo fagaareba iigu sheegi jiray waanooyin inta badan waxgaradkii Saxaafaddu igu boorin jireen oo ahaa “Saxaafadda horusocod iyo liibaan kama gaadho qofkii anshaxiisa ilaashan waayaa oo dhabarka ayey u soo jeedisaa.”
Marxuumku waxaan ka qoray; “Dadkii kaaga soo horreeyey shaqada xurmee, ciddii ku saxaysanna dhego waaweyn ku maqal aragtidooda.”
ALLE ayaa Mahad leh waanooyinkiisii waan weelleeyey, walina waan ku shaqeeyaa intii Alle i karsiiyo. Marxuum Axmed Aar wuxuu ahaa nin dadka uu ku xidhan yahay ama ishiisa warwarku (Source) badan tahay. Sidaas darteed, tiro ma laha inta maalmood ee uu war iigu yeedhay ama uu ii keenay intii aan Weriyaha ama Tifaftiraha ka ahaa Wargeyskii Maandeeq ama Dawan ta dambe labada.
Marka aanu is aragno wuxuu igu odhan jiray “laba-gooro” oo uu uga jeeday inaan Wiilkiisa Guuleed abti u ahay isaguna Afartayda Wiil uu abti u yahay!
Wuxuu ahaa nin dabcigiisu uu isku soo jiidi karo askhaas aan isku san bannaaneyn ee ay dhici jirtay inuu middiba isaga dhinac kala saaxiib ahaa. Wuxuu ahaa reer magaal xanfasi ah oo aqoon u lahaa deegaannada kala duwan iyo dhaqamada Somaliland iyo Soomaaliyaba.
Markii la ii magacaabay Agaasimaha Waaxda Wakaaladda Wararka ee SOLNA waxaan xasuustaa inuu maalin iyo laba igula taliyey inaan yeesho dulqaad iyo dad isku wad. Ilaahay ayaan ka baryeyaa inuu ii xoogeeyo labadaas sifo ee uu igula taliyey.
Markii dalka la soo galay wuxuu Boorame ka furtay Sawirle Daahir Maxamuud Xaddi uu ii sheegay in arooska aanu wax ka duubini ka dhignaan jiray mid “Wax ka maqan yihiin” oo kale.
Wuxuu Axmed Aar ka mid ahaa Suxufiyiintii wax ka Aasaastay Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA. Kadibna wuxuu cimrigiisa intii u dambeysay 2008dii illaa imika oo uu gurigiisii xaqa ahaa loo oofsaday uu ka tirsanaa sawir qaadeyaasha Telefishanka Qaranka Somaliland. Waxaa hawlwadeennadii la shaqeeyey uga marag fureen inuu ahaa nin shaqo jecel oo dhawrsoon oo si joogto ah madaxdiisa xidhiidh dhow ula lahaa.
Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa xoog maal carruurtiisa ku soo koriyey dhididkiisa. waxaanu ka tagay Xaas, Toban Wiil iyo Gabadh, waxana carruurtiisa ku jira qaar ka baxay jaamacado oo qaarkood reeraysteen oo carruur leh.
W/Q: Cumar Maxamed Faarax