Somaliland : Xeerkii Hawlgabka shaqaalaha Dowladda oo la Horgeynayo Golaha wasiirada

0
578

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa daboolka ka qaaday in todobaadayada soo socda kalfadhiyada golaha wasiiradda la hor keeni doono si loo ansixiyo xeerka hawlgabka shaqaalaha dowladda.

Wasiir Hinda ayaa sheegtay in ay tahay markii u horeysay ee Somaliland ay yeelato xeerka hawlgabka shaqaalaha dowlada, islamarkaana uu xeerkani mid si sharciya ku baxaya iyada o tilmaantay in xeerkani uu soo socday muddo iskana kaashadeen hay’adda shaqaalaha dowladda, world bank, iyo wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada imikana uu gabo gobo ku dhaw yahay.

Dhanka kale waxaa ay tilmaantay in ay aad ugu rajo weyn yihiin in xeerkani si toosa u dhaqangeli doono, islamarkaana lacagta lagu bilaabaya aanay aheyn mid meel kale laga rajeynayo, balse ay tahay mid ku jirta Akoonada Qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani  iyada oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaysa waxaa ay tidhi “Imika waxaa uu marayaa gaba-gabadii ayuu marayaa kalfadhiyada soo socda hadii ILLAAHEY yidhaaho ayaan rajeynayaa in la horgeeyo golaha wasiiradda ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida aan ku rajo weynahay waxaa uu bilaabmi doonaa 2021-ka ayuu hawlgabku si toosa uga hirgeli doona Somaliland, lacagta lagu bilaabi doonaana maaha mid la rajeynayo iyo mid meel kale laga sugayo ee waa mid ku jirta gacanta dawlada Somaliland (Akoonka) oo uu Qaranka Somaliland ku tallo galay oo uu meel dhigay”

Leave a Reply