Damaca Iyo Habaarkii Dulmanaha !

0
616

Waxa Muslim weriyay in gabadha lagu magacaabi jiray Arwa Bintu Aways ay u tagtay Khaliifkii Marwan Binu Xakam, oo ahaa kii afraad ee Umawiyiinta iyadoo uga ashaktoonaysa in Siciid Binu Sayd uu dhulkeeda qayb ka mid ah xoog kaga qaatay.

Markii la weydiiyay Siciid Binu Sayd in dhulkaasi uu xoog ku qaatay waxa uu yidhi ” maya sideen ugu qaataa iyadoo aan, maqlay xadiiska Rasuulka (scw) uu ku yidhi :” Qofka taako in la mid ah oo dhul ah dulmi ku qaata, toddoba dhul ayaa maalinta qiyaame qoorta loogu duuba”.

Siciid Binu Sayd waa uu siiyay gabadhii dhulka ay sheegaay, laakiin waa uu habaaray isagoo yidhi :”Allahyow hadday been sheegayso gabadhaasi arragga ka qaad, xabaasheedana ka dhig dhulkaasi”.

Waxaana la sheegay in gabadha Arwa ay indho beeshay, iyadoo maalin dhulkeeda dhex socotana ay ku dhacday ceel ka qodnaa oo ay halkaasi ku dhimatay. Dulmigu aad ayuu halis ugu yahay qofka geysanaya.

 

 

Leave a Reply