24 Wariye oo u Fadhiistay imtixaankii Qalinjabinta Heerka koobaad ee Jaamacada, ee Kuuliyada Saxaafadda ee Jaamacada Hargeysa + Sawiro

0
788

Hargeysa (Dawan) Geedi socodka waxbarasho ee Jamhuuriyadda Somaliland waa mid sidii loo baahnaa uga socda guud ahaanba dalka.

Waana mid ka dhaqan galay miyi iyo magaalaba, maada meelkasta oo dalka gudihiisa ah laga hirgaliyay goob waxbarasho, iyada oo ay waxbarashada amase aqoontu tahay furaha horumarka nolosha, oo ay gabi ahaanba wadanka socoto dadaalo loogu sii xoojinayo tirada iyo tayada adeegyada waxbarasho ee waddanka, gaar ahaan waxbarashada jaamacadaha dalka.

Maadama markasta ay jaamacaddaha dalka ka soo baxaan aqoonyahano tiro badan, islamarkaana aqoontooda dib ugu celiya bulshadooda.

Hadaba Jaamacada Hargeysa ayaa wada dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku xoojineyso tirada iyo cududa dhalinyarada aqoonta leh ee waxbaraneysa.

Sidaasi oo ay tahay waxaa ay jaamacada Hargeysi soo kordhisay fasalo cusub oo lagu baranayo cilmiga mihmada saxaafada cilmiyaysan.

Waxaanay saxaafaddu kaalin mug iyo miisanle ka qaadataa hirgalinta koboca dhaqaale ee wadanka, iyaga oo ka warbaahin ahaan ugu dadaala kaalintii laga rabay ee aheyd inay iibgeyso qadijyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay beesha caalamka ka iibiso.

Fakalkan Jaamacada Hargeysi bixisay waxaa uu meesha ka saarayaa arrimihii caqabadaha ku ahaa geedi socodkii warbaahineed ee dalka iyo dadka.

Dhanka kale si loo xoojiyo aqoonta waxbarasho ee suxufiyiinta ee xaga saxaafadda islamarkaana wariyayaashu ugaadhaan waa in si weyn leysaga xil saara kor u qaadista aqoonta Suxufiyiinta.

Sidoo kale waa in wariyayaashu ogaadan in waxbarashadu tahay mid daruuriya, sidaasi darteedna waa in ahmiyad gaara la siiyaa, waxkasta oo la xidhiidha geesi socodka dhalinta suxufiyinta ah.

Wariyayaasha ka qalinjabin doona jaamacadda Hargeysi waxaa ay kaalin mihiima ka qaadan doonaan, dadaalada loogu jiro horumarka qarankan curdinka ahi hiigsanayo, iyaga oo wax badan ka qaban doona caqabadaha kala duwan ee dalka gudihiisa ka jira.

Waxaana jaamacadda wax ka dhiga oo ka hawlgala macalimiin sigaara loogu xulay bixinta duruusta lagu baranayo jaamacadda.

Hadaba 24 Suxufi oo  Jaamacada Hargaysa ka Bartay culuumta Saxaafada ee Heerka koobaad ayaa shalay  u fadhiistay imtixaankii u danbeeyay ee ay ku qalin jabinayeen.

Afar iyo labaatankan wariye ee galay imtixaankii u danbeeyay ee ay ku qalinjabin lahaayeen, ayaa waxaa ay isugu jiraan kuwo ku shaqeeya mihnada saxaafadda iyo kuwa hada ay qorshaha ugu jirto in cilmiga iyo aqoonta ay barteen ay ugu adeegaan bulshadooda, islamarkaana ay diiradda ku saaraan horumarka dalkooda iyo dadkooda.

Maaha saxafiyiintii sidan oo kale uga qalinjabiya barashada mihnada saxaafadda ee ay jaamacada Hargeysa ay bixiso, waxaa jiray laba qolo oo kuwan ka horeeyay oo qaarna ay hab online-ah wax ku barteen, halka kuwa kalena ay si toosa wax u barteen iyaga oo muddo hal sano ah waxbaranayay, markii danbena si toosa u qalinjabiyay.

Gudoomiyaha urrurka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, mudane Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo ka mida ardayda sanadkani ka qalinjabineysa jaamacada Hargeysa, gaar ahaan kuuliyada saxaafada ayaa isagu ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay heerarkii iyo maraaxilkii ay soo martay waxbarashadii ay soo qateen  “Saddex sano ayaanu soo wadnay waxbarashada aqoonta saxaafadda ayaanu galney maanta imtixaankii u danbeeyay ee aanu ku qalin jabineynay, markaa waa wax ILLAAHEY loogu mahad naqo dadaalkii juhdigii aanu galiney mudadii saddexda sano aheyd kii ugu wanaagsana ee ardayda fasalkayagu ay muujisay ayuu ahaa,  sidoo kale ardaydii anaga naga horeysay ee saxaafadduna sidan oo kale ayay muujiyeen, waxaa aanu rajeynaynaa kuwa danbe soo geli doonaana in cilmigan iyo aqoontan saxaafadeed ee jaamacada taala dhab ahaantii ay baran doonaan, guud ahaana saxaafadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa uun maada oo inta badan la inagu dhaliilo in aqoonteenu hooseyso meelkasta oo aad joogtaan iyo noockasta oo aqoona oo aad kari kareysan in aad barataan dhab ahaantii, hadii ay tahay ta warbaahinta iyo ta dhinacyada kale runtii”

Sidoo kale gudoomiye Xuuto waxaa uu xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba ugu baaqay in ay kaalin mihiima ka qaataan sidii dhidibada loogu taagilahaa kuuliyada barashada cilmiga saxaafadda ee Jaamacada Hargeysa “Sidii aad qalinka u qaadan lahaydeen ee aad wax u baaran laheydeen waa mihiim, waxaanan si gaara ugu dhiirigelinayaa suxufiyiinta suuqa joogta, in kuuliyaddan saxaafadda ee  jaamacada Hargeysa aad ka faa’ideysataan, maada mudadii saddexda sano aheyd ee aanu wax ka baraneynay aanu aqoon badan ka faa’idnay waxyaabaha suuqa lagu barto iyo mihnada warbaahinta ee aynu gacanta ku heyno aqoonteedii ayaa taalla Jaamacadda dhab ahantii, waxaan qaba in wax badan ay ka baddeli doonto intayada halkan joogta iyo kuwii qalin jabiyayba wax badan ayay ka badashay, islamarkaana horumarka waddankani hiigsanayo wax badan ka tareyso, waxaan xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha kale taageeraba aan u soo jeedinayaa safaaradda Ingiriiska oo iyadu markii horeba taageertay iyo shirkadaha waddaniga ee Telesom iyo Dahabshiilba inay taageeradoodii sii libin laabaan oo ay dhidibada u taagaan kuuliyada saxaafadda ee jaamacada Hargeysa oo ah mid waddanku u baahan yahay”

Muuna Maxamuud Toose oo ah gabadha kaliya ee la qalinjabineysa afar iyo labaatankan wiil ee bartay mihnada saxaafadda ee heerka koobaad ee Jaamacada ayaa ka warantay waxaa ay uga dhigan tahay dhammeystirka yoolkeedii mudada badan ay soo waday “Waxay iga dhigan tahay runtii wax weyn oo arrin sahlan maaha mihnadii saxaafada Somaliland oo marka horeba aan aqoonteedu aad u dhisneyn oo aan heer jaamacadeed gaadhsiisnayn intaad fursad heshid iyada oo aan kaligey fasalka laygu bilaabin in aad kaliga ka soo hadha dhab ahaan waa wax aad loogu farxo”

Xasan Saleebaan Haaruun (Xasan Galeydh) kana mida hawl waddeenada HCTV, ayaa sharaxay sida ay mihiimka u tahay in qofku xirfada uu ku shaqeynayo uu cilimi ahaan u barto waxaanu yidhi “Alxamdu-li-laah aad ayaan ugu faraxsanahay in muddo saddex sana ah oo aan soo waday geedigeyga waxbarasho ee jaamacada Hargeysa gaar ahaana kuuliyada saxaafadda, aan maanta imtixaankii aan ku qalinjabinlahaa u fadhiisto, dhab ahaantii farxad weyn ayay noo tahay in mihnada aanu ku shaqeyno aanu cilmi jaamacadeed u yeelano aad iyo aad ayay mihiim u tahay muddo dheerna waanu naawileynay, waxaanan u mahad celinayaa Jaamacada Hargeysa iyo urrurka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo arrintan hirgelinteeda iyo ka midho dhalinteeda iska kaashaday, sidoo kale waxaan u mahad celineynaa dowlada Ingiriiska oo iyadu  noo dhistay istuudiyihii aanu farsamada ku baraneynay, waxaanan rajeynayaa in ardayda sanadka ka qalinjabisa jaamacada Hargeysa ay wax weyn ka baddeli doonto doorka saxaafadda Somaliland”

Axmed Saki Daahir Xasan kana mida wariyayaasha khaaska ah ee madaxtooyada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in uu beeninayo hadalkii ahaa Somaliland kama jirto cid aqoon jaamacadeed oo dhanka warbaahinta ah lihi “In badan ayaa lagu dhaliila saxaafada ma jirto kuuliyad ma jirto meel ay warbaahintu wax ku baratay oo kamaradaha uunba leyska qaata maanta taasi waan beeninayaa waxaan leeyahay aqoontii saxaafaddu waxay taalla dalka, waxaan u soo jeedinayaa asxaabtayda ku jirta mihnada saxaafada rag iyo dumarba inay iyagu ka faa’ideystaan aqoontan taalla jaamacada Hargeysa ee la mida kuuliyadaha kale ay dadku bartaan oo ah mid lagu shaqeeyo”

Saleebaan Ibraahim  Xaashi ahna tifaftiraha Wargeyska Saxan-saxo ayaa ka hadlay aqoontii iyo waayo aragnimadii ay ka barteen mudadii ay wax ka baranayeen kuuliyada saxaafadda ee Jaamacada Hargeysa   “Dad ayaa ka qaba fikrad khaldan waliba weliba dadka imika warbaahinta ku jira ee dhalinyarada ah, waxaa ay u heystaan saxaafaddu in aanay aheyn cilmi la barto, dhab ahaantii intii aanu halkan joognay cilmi balaadhan ayaanu baranay oo dhinaca saxaafada ah, oo dhinaca shuruucdeeda ah, aqoon guud oo marka qofku saxafiga yahay looga baahan yahay inuu aqoon guud barto, taasi lafteeda waanu baranay”

Sadaam Waayo arag oo isna ah saxafi madax bannaan ayaa yidhi “Dabcan cilmigan aanu baraney ee aanu u soo soconay muddada saddexda sano ah waxaa aanu anagu aaminsanahay ka arday ahaan in uu si weyn uga qayb qaadanayo isbadelka saxaafadeed ee wakhtigan Somaliland ku shaqeyso, haday noqoto dhinaca samirka haday noqoto dhinaca dadaalka, dhinaca aqoonta, waxaa ugu weyn ee uu badelaya waxaa weeyaan habla dhaqankii qofka wariyuhu kula dhaqmayay bulshada uu wax ka duubayo,

“Umaddani hadii ay noqdaan bulsho aqoon aan laheyn, warbaahina aan la heyn, dhab ahaantii warbaahintu waa midi laba afle, oo waxna lagu burburin karo waxna lagu dhisi karro, marka waxaan aaminsanahay in warbaahinta Somaliland ay u baahan yihiin in ay bartaan culuunta mihnada Saxaafada si ay u fahmaan agabka ay ku shaqeynayaan iyo mihnada ay bulshada ugu adeegayaan macnaha ay leedahay”Ayuu yidhi mid ka mida ardayda iyaguna ka qalinjabin doona kuuliyada saxaafadda ee jaamacada Hargeysa.

Sawirka 24 Wariye ee u Fadhiistay imtixaankii Qalinjabinta Heerka koobaad ee Jaamacada, ee Kuuliyada Saxaafadda ee Jaamacada Hargeysa
Sawirka Saleebaan Ibraahin Xaashi, ahna Tifartiraha guud ee Wargeyska Saxan-saxo oo si maalin leh ah uga soo baxa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland
Sawirka Muuna Maxamuud Toose kana mida wariyayaasha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, gaar ahaan Idaacada Radio Hargeysa
Sawirka Axmed Saki Daahir Xasan, kana mida wariyayaasha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, waana suxufiyiinta khaaska ah ee madaxweynaha Somaliland
Sawirka wariye Jamaal Cabdiraxmaan Macalin Muuse, kana mida suxufiyiinta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ahna suxufi ka tirsan wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, iyo wargeysyada Dawan ahna soo saaraha barnaamijka beeraha ee wargeyska Dawan
Sawirka 24 Wariye ee u Fadhiistay imtixaankii Qalinjabinta Heerka koobaad ee Jaamacada, ee Kuuliyada Saxaafadda ee Jaamacada Hargeysa
Saddex wariye oo ka mida suxufiyiintii maanta u fadhiistay imtixaankii heerka koobaad ee jaamacada ee ay ku qalin jabin lahaayeen

Leave a Reply