Midowga Yurub oo ka Hadlay Shirka Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

0
518

Hargeysa-(Dawan)-Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahadalkii 14kii bishan June ay dalka Jabuuti ku yeesheen Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay War-saxaafadeed uu Magaalada Brussels ka soo saaray Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Midowga Yurub  Mr. Josep Borrel, waxana uu wadahadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday hagaajinta cilaaqaadka labada dhinac.

Waxa kaloo warmurtiyeedka Midowga Yurub intaas ku daray in wadahadalkani aanu shacabka Somaliland iyo Soomaaliya oo kaliya aanu rajo gelinayn ee uu yiddidiilo u yahay mandaqada Geeska Afrika oo dhan.

Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedka Midowga Yurub lagu sheegay in madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay ka go’an tahay inay sii wadaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii nabad looga dhex dhalin lahaa labada dhinac.

Waxa kaloo ay intaas ku dareen shirkani uu muhiim u yahay tallaabooyinka kalsooni abuurka ee xoojinaya Nabadda iyo Barwaaqada Mandaqada.

Ugu dambeyn, waxa warmurtiyeedka Midowga Yurub lagu tilmaamay in dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay kaalin ka geysteen sidii shirka wadahadalku u qabsoomi lahaa, iyagana uu shirkaasi u joogay wakiillo goobjoogeyaal ahaan uga qaybgalay.

Leave a Reply