Somaliland : Wasiir ka Bogsaday Corona Virus

0
646

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay inuu ka bogsadey xannuunka Covid 19 oo ku dhacay

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka  Somaliland, mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waa dhab xannuunkaasi waa uu igu dhacay, 5/6/2020 ayaan si mutadawnimo ah u tagay dhakhtarka marka xumad yar ayaan dareemay, waxaaney ii sheegeen in aan ahey Positive, marka waxaan go’aasnaday in aan is karantiilo islamarkaana aan qaato taallooyinka wasaaradda caafimaadka, 15/6/2020 ayaan ku noqday dhakhtarka waaanan ka bogsaday, waan uga mahad celinaya bulshada qaybaheeda kala duwan ee ii soo ducaysay, maanta ayaanan shaqadii soo galay oo waaniga shaqadii aan Qaranka u hayay gudanaya”

Leave a Reply