DDSI iyo Somaliland Oo Iska Kaashanaya Dhismaha Waddada Ina Guuxaa Ilaa Awaare

0
975

Salaxley (Dawan): Wefti  heer wasiirro ah  iyo masuuliyiinta heer degmo oo  ka socday dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya aya socdaal ku yimid deegaanka Ina Guuxa oo ka tirsan degmadda Salaxley ee gobolka Maroodijeex.

Waxaanay weftigaasi kulan la qaateen maamulka degmadda Salaxley iyo guddiga gacanta ku haysa dhismaha Waddada loo yaqaano Dawga Cad oo isku xidhaysa deegaamadda Ina Guuxaa iyo Awaare.

Kulankaasi ayay masuuliyiinta laba dhinac kaga tashadeen dhamaystirka jidka isku xidhaya dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo degmadda Salaxley ee Somaliland.

Jidkani oo dhismihiisa laga bilaabay magaaladda Hargaysa ayaa hadda maraya deegaanka Ina Guuxaa oo ka tirsan degmadda Salaxley ee gobolka Maroodijeex, taasoo dhererkeedu dhan yahay 72 KM.

Has yeeshee markii Waddadan dhismaheedda la bilaabay waxa uu qorshuhu ahaa in la gaadhsiiyo magaaladda Awaare oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida ay sheegeen guddiga dhismaha waddadaasi.

Waxaana la filayaa in dhismaha jidkani marka la dhamaystiro in ay wax badan ka bedesha nolosha dhaqaale ee bulshadda Salaxley iyo kuwa deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ay  keento koboc dhaqaale oo bulshadu ay ka helaan adeeg fiican.

Sida uu kulankaasi ka sheegay maayarka magaaladda Salaxley, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka Salaxley.

Geesta kale weftigan ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku tilmaamay u jeedadda socdaalka ay ku yimaadeen degmadda Salaxley sidii ay dhaqaale ahaan iyo dhiiri gelin ahaanba u tageeri lahaayeen guddiga gacanta ku haysa dhismaha Waddadaasi.

 

Daawo: Hadaladii Kulankaasi Laga Jeediyay:

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply