Madaxweynaha Somaliland oo Sharraxay Qaabka ay ula Garnaqsadeen Beesha Caalamka

0
423

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sharraxay shuruudihii ay qaran ahaan beesha caalamka kula garnaqsadeen iyo  rabitoonkooda la xidhiidha inaanu shirkaasi noqonin gacmo daalis iyo waqti lumis.

“Markii hore arrinta waxanu ku galnay ma doonayno shir inta la isu yimaaddo la isa salaamo oo walaal-walaal la yidhaahdo la kala tagee, haddii hawsha si dhab ah loo gelayo oo muddaysan oo mid walba waqtigeeda la qabanayo oo ama hallagu heshiiyo ama halla isku diidee si dhab ah loo wada hadlayo diyaar baannu nahay, laakiin uma baahnin mid food lagu gelayo iyo mid cid sawir lagu tusayo midna.”ayuu yidhi

 

Farriin cad oo aqoon iyo garnaqsi ka muuqdo ayuu madaxweynuhu adduunka intiisa kale u diray, isaga oo ka codsaday inaanay marnaba aqbali doonin caddaalad-darrada iyo garsoor la’aanta uu caalamku Somaliland kala hor yimi,“Caalamka waxannu u sheegnay, haddana u sheegaynaa idinkaa soomaali ahe heshiiya ma soconayso, wada-hadlana ma soconaysee beesha caalamka ee maraykanku ugu tun weyn yahay waxannu leenahay laba dawladood oo is dilay baannu nahay, dawladdii waxay naga duntay 1991-kii, laba dawladood baannu  kala dhisannay, waxadse ictiraafkii naga dhexeeyey iyo dhaqaalihii naga dhexeeyey siiseen Soomaaliya, annaguna yeelli maynno qolo aad intaas wada siiseen inaanu la hadalno oo aannu u baryo tagno,”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland, madaxdeeda, wax-garadkeeda, aqoonyahankeeda, madax-dhaqameedkeeda iyo siyaasiyiinteedaba ugu baaqay inay isku duubnaadaan, wax kasta oo qarannimadooda iyo hankooda ka dhan ahna meel uga soo wada jeestaan.

Leave a Reply