“Maaha Agoonka cidna aan Garaneynini In uu ka Naxo, waxba heli maysido Meesha Wasiir kuma lihid”Madaxweyne Muuse Biixi

0
511

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si caalamiya loo fikiro, islamarkaana aanu wiilka agoonka ah ee suuqa jooga ka baqan waxba helimeysid, oo wasiir iyo xildhibaan midna kuma lihid waddanka.

Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu sheegay in aanay soconeyn in la yidhaaho dalka hala dhiso, habeenkiina in la kala faqo oo qolo qolo leysugu socdo.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Inaynu si caalamiya u fikirna ayaynu u  baahanahay, oo wiilka agoonka ah ee suuqa jooga ee agoonka ah ee cidna aan garaneynini aanu ka nixin, waxba heli maysido meesha wasiir kuma lihid, waxba heli meysido baarlamaanka cid kuma lihid, waxba heli meysido xisbigaasi waa reer hebel, walaalayaal hadii dadka dadkooda  hogaaminaya ay  tusi waayaan wuxuu ku dhiirado oo ku dabagalo oo ku ogolaado oo caddaalad dhex dhexaada ah waar dadkeena dadka hogaaminayow cidi ina maqli mayso inaguna dadka meel geyn mayno.

Maaha aan wax qalano midiyahana aan qaarsano, aynu midowno, dalka aynu dhisno, habeenkiina in la kala faqfaqo oo inanka xafiiska marka loo tagaayana qolo qolo leysugu socdo ma soconeyso meelna ku gaadhi mayno”

Leave a Reply