Sirdoonku Wakhtiga Uu Sheego Xaqiiqda

0
419

Sarkaalka Bill Oxley oo 79 sano jiray isla markaana ka tirsanaa ciidanka CIA Maraykanka oo la dhigay Isbitaalka Mercy ee dalkaasi  ayaa markii loo sheegay inuu noolaan doono todobaadyo keliya sameeyay qirasho yaab leh.

Sarkaal oo hore uga tirsanaa CIA ayaa sheegay in xukuumadda Maraykanka ay ku dabajirtay fannaanka, isla markaana ay abaabushay mudadii u dhaxaysay  1974 ilaa 1985  dilal qorshaysan oo lagu fuliyay 17 qof oo sababaha loo dilay ay ku salaysnaayeen fikirka ay aaminsan yihiin.

Bill Oxely ayaa 29 sano u shaqaynayay CIA Maraykank ayaa loo isticmaali jiray dilaaga dadka ka soo horjeeda danaha Maraykanka.

Mr. Oxley waxa u leedahay waayo-aragnimo khatar ah ah oo sida dilalka loo sameeyo ah waxa uu dilal ku geystay sun, qraxayo, kansarka iwm.

Sarkaalkan oo warmay saxaafadda, ayaa sheegay in aanu ka xumayn dilalka uu sameeyay madaama uu u sameeyay danaha dalkiisa isla markaana ku kalsoon yahay bartilmaameedka CIA.

Mar uu faahfaahin ka bixiyay habkii uu dilay Bobe Marely heesaagi caanka ahaa Reer Jamaica waxaa uu yidhi :” Waxaan iska soo dhigay weriye uu sheqeeya wargeyska aad lo akhristo ee New York Times, sii loogu ogolaado inuu fanaanka la kulmo, waxaana uu sheegay inuu sii qaatay laba kabood oo kuwa ciyaaraha No.10 ah kuwaasi oo lugihiisa aad loogu qiyaasay oo hadyad uga dhigayay, markii aan siiyaya ayuu lugtiisa midig geliyaya si uu hubiyo inay leegyihiin, isla markiiba wuu qayliyay, waayo waxa muday Irbad ku  jirta. Markaas ayaan ogaaday inuu dhimayo”.

Inkasta oo aan si fiican loo ogayn sababta dhabta ee uu dhintay Bobe Marley haddana koox khubrao ah oo baadhay sanadkii 2014 ay sheegay inuu u dhintay xanuunka Kansarka oo dhif ah.

Bobe Marely waxa uu ku dhintay bishii May 11, sanadkii 1981 Isbitaalka Miami Florida ee dalka Maraykanka.   Source : (dailystar.co.uk)

 

Leave a Reply