Sool: Badhasaabka Oo Ceel Biyood Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Xidh-xidh

0
570

Xidh-xidh (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qaani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta dhagax dhigay Ceel Biyood Riigg ah oo ku yaalla deegaanka xidh-xidh jihadda dhinaca hawdka ee gobolka Sool.

Badhasaabka waxaa dhagax dhigaasi ku wehelinayay maayarka degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool, odayaal, madax dhaqameed, iyo waxgaradka deegaanka Xidh-xidhi.

Ceel biyoodkan Riigga ah waxaa hirgelinaysa wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa dawladda Turkiga.

Bulshadda deegaankan ayaa dhinacyada dawladda oo uu ugu horreeyaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Barlamanka Baashe Maxamed Faarax, wasiirka Wasaaradda biyaha Maxamed Muuse Diiriye iyo maamulka gobolka uga mahad celliyey hergellinta Ceel biyoodkan ahmiyadda weyn u leh.

Qaybaha ummadda Xidh-xidh oo hal-doorkooda aan iyana la kulanay ayaa hoggaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee heer Qaran iyo heer gobol-ba waxay si xushmad leh uga codsadeen Ceel Riiga oo ay xuseen baahi weyn inay u qabaan.

 

Masuuliyiinta reer Xidh-xidh oo tixraacaya kana mahad celliyey sida dhaqsaha leh ee Ceelka Dhumay loo hirgelliyey, si la mid ah-na u abbaaray in loogu gurmado oo Ceelka Riiga ah loo hirgeliyo sidii kii dhumay loo hirgeliyey si dhakhso ah.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply