Kalluunku waa nooc ka mid ah kuwa ugu muhiimsan noolaha adduunka ee ay quutaan aadamuhu. Wuxuu leeyahay door weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, marka la eegayo dhinaca cunto ahaan, caafimaad ahaan, wershadeyn. Sidoo kale waxa il fududaysa in la heli shaqo abuur ay ka qayb qaadan karaan malaayiin qof oo adduunka ku kala nool. Kalluunku wuxuu ka qayb qaataa inay hoos u dhacdo cunto yaraantu (Food security) guud ahaan adduunka. Isticmaalka kalluunku waxa uu leeyahay waxyaabo badan oo ka qayb qaata caafimaadka, nafaqo ahaan,deegaan ahaa iyo bulsho ahaan.
1- Doorka Cuntada:
dhaqdhaqaaqa dhinac isticmaalka ee Kalluunku wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay cunto helida aadamaha. Cunto ahaan hilibka kalluunku wuxuu aad uga wanaagsan yahay hilibka Digaaga iyo Adhiga, tusaale ahaan, For example, 65% nooc kasta oo kalluunka ka mid ah oo la isticmaalaa wuu ka wanaagsan marka la barbar dhigo noocyada hilibka ee digaaga iyo adhiga.
2- Nafaqada:
kalluunku wuxuu leeyahay nafaqo badan. Taasoo leh dhadhan macaan, isla markaana waa il laga helo barotiin. Kalluunku maaha cuntooyinka laga helo carbohydrate-ka, waxaanu u wanaagsan yahay dadka qaba xanuunka macaanka. Barotiinka kalluunku wuxuu u wanaagsan yahaya hanaanka dheefshiidka caloosha, waanu isku dheeli-tiraa. Kalluunka waxa ku yar duxda aan u fiicnayn jidhka iyo subagga dhiigga raaca (Low cholesterol.) kalluunku sidoo kale wuxuu qani ku yahay fiitamiinada A, B iyo D. sidoo kale wuxuu leeyahay kaalshiyaam.
3- Caafimaad ahaan:
Kalluunka sida aynu kor kusoo xusnay waxa ku yar duxda halista ah iyo barotiinno badan, waxaanu caan ku yahay maadada Omega-3. Isticmaalka joogtada ah ee kalluunku waxay hoos u dhigtaa khatarta xanuunno badan oo halis ah kuwaasoo ay ka mid yihiin:
Xiiqda: Carruurta la siiyo kalluunku waxay ka badbaadaan halista xanuunka Xiiqda.
Maskaxda iyo Indhaha: Kalluunku wuxuu qani ku yahay maadada Omega-3, taasoo ka qayb qaadan karta caafimaadka maskaxda iyo indhaha. Heerka maskaxda carruurt ay hooyadood isticmaasho kalluunka xilliga ay uurka leedahay waxa la ogaaday in araggoodu ka fiican yahay carruurta aanay hooyadood isticmaalin kalluunka xilliga ay uurka ku sido.
Cancer–ka: Maadada Omega-3 ee ku jirta kalluunku waxay hoos u dhigtaa khatarta noocyo badan oo ka mid ah xanuunka Cancer-ka. Tusaal ahaan noocyada ku dhaca cunaha, dhuunta iyo naasaha.
Xanuunada wadnaha: Isticmaalka kalluunka ee todobaadkiiba hal mar waxay hoos udhigtaa xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo faaliga, waxaanu ku kor u qaadaa hanaan wanaagga wareegga. Sidoo kale wuxuu hoos udhigaa dhiig karka.
Isku-buuqa: Dadja sida joogtada ah u cuna kalluunku waxa aan ku dhicin isku buuqa iyo werwerka nafsiyeed, taasoo ay inta badan keenaan jidhka qofka oo ay ku yaraato maadada Omega-3.
Macaanka: Kalluunku wuxuu ka caawiya dadka qaba xanuunka macaanka inuu maareeyo heerka sonkorta dhiigga.
Dhiciska: Cunitaanka kalluunka ee xilliga uurku waxay hoos u dhigtaa inay hooyadu dhiciso ama ay dhasho ilme aan dhamaystirnayn.
Khayraadka Kalluunka: Hilibka kalluunku waa mid ku suntan nafaqo, kalluunku 60-70% waa barotiin, 2-15% waa saliid, 10-20% waa macdan.
Saliida Kalluunka: Saliida Kalluunku waa laba nooc, waa mid jidhkiisa ku jirta iyo mid beerkiisa ku jirta. Saliidda ku jirta jidhka kalluunka waxa loo yaqaanaa saliidda jidhka. Saliidda jidhka ee kalluunka ku jirta waxa loo isticmaalaa, waxyaabaha la warshadeeyo, ee cuntooyinka ama agabka ah.
Saliidda beerka kalluunka waxa loogu yeedhaa saliidda beerka kalluunka. Saliida beerka kalluunku waxa laga helaa dawooyin badan oo lagula tacaalo xanuuno badan oo halis ah.
4- Fursadaha Shaqo-abuurka:
Kalluumaysiga iyo khayraadka baddu waa qayb libaax oo si toos ah iyo si dadbanba uga qayb qaadata fursadaha shaqo-abuurka ee malaayiin qof oo adduunka ku kala nool. Sanadkii 2012-kii in ka badan 500 oo milyan oo qof ayaa si toos ah ugu tiirsanaa kalluumaysiga, kuwaasoo waqtiga kasta ka shaqeysta wax soo saarka kalluunka iyagoo qaar ka mid ahina ay u tahay shaqooyin ay waqtigooda qayb ka mid ah ka shaqeeyaan.