Doorka uu Kalluumaysigu ka Qaato Dhaqan-dhaqaalaha Bulshada Meel Kuwada Nool

0
434

Maanta adduunka in ka badan hal bilyan oo qof oo faqiiq ah ayaa nolol maalmeedkooda kala soobaxa kalluunka iyo kalluumaysiga. Kalluunku wuxuu qani ku yahay nafaqo u wanaagsan jidhka iyo maskaxda aadamaha, gaar ahaan carruurta yar yar. Waddamada dunida saddexaad kalluunka waa khayraadka ugu weyn ee ay haystaan badankoodu, waana isha keliya ee ay ku maarayn karaan noloshooda. Sidaa darteed waxa jira caqabado badan oo dadkaa faqriga ka haysta inay lasoo baxaan kalluunka, maadaama aanay haysan agab iyo aqoon ku filan oo ay adeegsadaan.

Caalamka in ka badan 250 Milyan oo qof ayaa si toos ah ugu tiirsan kalluumaysiga  iyo khayraadka baddaha, kuna daqaba noloshooda, halka malaayiin kalena ay ka shaqeeyaan kalluunka oo ay ku iibiyaan suuqyada.

Kor u qaadka wax soo saarka kalluumaysigu waxa uu ku hogaamiyaa bulshooyinka inuu sare u kaco dhaqaalahooda iyo shaqadooduba.

Horumarinta wax soo saarka kalluunka iyo khayraadka badduhu waa door muhiim ah oo hoos u dhiga gaajada iyo macaluusha malaayiin qof oo ku nool waddamada soo koraya. Xoojinta wax soo saarka kalluunku waxay sare u qaadaa nafaqada iyo helitaanka isku filnaansho dhinaca cuntada ah, waxay sidoo kale xoojisaa dhaqaalaha iyo hab nololeedka, waxaanay dhiirigelisaa kor u kaca maaliyadeed ee dal leeyahay, waxaanay ilaalisaa deegaanka iyo dabeecada dalka.

Kalluumaysigu wuxuu bulshooyinka ka caawiyaa inay mustaqbal fiican u sameeyaan jiilalka kala dambeeya ee bedelaya kuwa hadda jooga.

 

Leave a Reply