Qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland waa mid Dabaylaha Cadowgu aanay Mijo-xaabin karin

0
589

Qore Cumar Maxamed Faarax

Hargeysa  (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaamuray oo dawladnimadiisu xiddid iyo jirid adkaatay leedahay oo aanay suurtogal ahayn in dabaylaha cadowgu ay si fudud u waxyeeleeyaan.

Jiritaanka Qaranimmada Somalilandna waa Qaddiyad shacbi oo aan ciddi waxba ka beddeli Karin isla markaana shacbi, Xukuumad, Goleyaal iyo axsaab siyaasadeed oo feejigani wadajir indho-dheer ugu ilaashanayaan.

Wadahadalladii ay Jabuuti gogosheeda dhigtay ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Toddobaadkii hore, waxa ay ahaayeen wada-xaajoodkii u adag, waxana ergadii ka socotay JSL ay dedaal weyn u galeen in la qaato qoddobadii ay madasha keeneen, waxaanay si adag oo u difaaceen qarannimada iy qaddiyadda Somaliland, taasi oo shacbiga Somaliland kaga falceliyeen inay si aan kala hadh laheyn ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay Khamiistii toddobaadkii hore.

Qodobbadii isafgaradka laga soo saaray waxa ay u badnaayeen qaar ka dhashay dooddii Madaxweyne Muuse Biixi iyo garnaqsigii Guddidii farsamo ee Somaliland, sida arrimaha la xidhiidhay Gargaarka iyo Hawadda,mana jiraan wax arrintaas iska beddelay ama ka soo noqday oo liddi ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Ergayga Xukuumadda Somaliland u qaabilsan wadahadalka lagula jiro Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ahayd xubnihii laf-dhabarta u ahaa Guddida farsamo ee metalayey Somaliland oo shalay la hadashay Warbaahinta, ayaa sheegtay in Qaddiyadda iyo Qarannimada Somaliland ka weyn tahay wax go’ lagu qaado, waxaanay ku baaqday in la joojiyo dacaayadaha looga gol leeyahay in babiso iyo kala shaki lagu soo dhex tuuro shacbiga Somaliland.

Waxa ay shaacisay in weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee Somaliland uga qaybgalay wadahadalku ay si milgo leh u iibgeeyeen qaddiyada Madax-bannaanida JSL oo ay si madal markhaati leh ku soo bandhigeen garnaqsiga Madax-bannaanideenna sharciga ah.

Waxa kaloo Marwo Edna Aadan Ismaciil ay sheegtay in muddadii ay socdeen wadahadalladu aanay Somaliland aqbalin in ay isdhexgalaan siyaasiyiintu, hase yeeshee waxay caddeysay inay horeba shacbiga labada dal isku dhex socdeen isla markaana wadajir u wada ganacsan jireen, taasina aanay ahayn mid waxyeelo gaadhsiinaysa madax-bannaanida JSL.

Sidoo kale, Marwo Edna Aadan waxa ay soo bandhigtay inay Jamhuuriyadda Somaliland meel adag iska taagtay Arrinta Gargaarka ee loo saaray Guddida Farsamo, waxana ay ku dooday in aanay Jamhuuriyadda Somaliland marna yeelli doonin in gargaar loo soo mariyo Soomaaliya. Ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalka waxa ay xaqiijisay in arrinta maamulka hawadda qorshuhu yahay in Somaliland ay maamusho diyaaradaha hawadeeda mara oo aanay cidna u daba fadhiisan.

Geesta kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Hoggaaminayey Guddigii farsamo ee ka socday Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay war-murtiyeedka 22kii bishan Jabuuti ka soo saartay wadahadalladii ay martigelisay, waxaanu iftiimiyey in qodobbada qaarkood khalad madbici ah ay ku arkeen isla markaana ay kala hadleen ciddii ay khusaysay. Taasina aanay aheyn mid wax ka beddelaysa qodobbadii Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen.

Ugu dambeyn, waxaan shacbiga Somaliland ku boorinayaa in aanay dheg u dhigin sheekooyinka sameyska ah ee lagu doonayo in lagu kala shaki geliyo Xukuumadda iyo shacbiga xalaasha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ku kalsoonaadaan in madaxdoodu ay ku filan yihiin difaaca qarannimada iyo iraadada Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu aaminay. Waxaanan ku soo gabogabaynayaa “Ha tirinina Digaaga inta aanu beedku dilaacin.”

Leave a Reply