Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hawd oo ka Hadlay Xilka loo igmaday

0
485

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed Geedi oo maanta madaxweynaha Somaliland u magacaabay guddoomiyaha gobolkaasi ayaa ka dareen celiyay xilka loo igmaday.

Axmed Cige Maxamed Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay xilka uu u igmaday ee gudoomiyenimo.

Guddoomiye Axmed Cige ayaa sheegay in xilka loo igmaday u baahan yahay masuuliyad odaytinimo, dhexdhexaad, maskax furnaan iyo dad isku wad.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in uu u mahadnaqayo shacabka reer Somaliland ee ugu duceeyey uguna hambalyeeyey xilka.

Guddoomiye Axmed Cige ayaa sheegay in dadwaynaha gobolka Hawd uu ka rajeynayo wada shaqayn wacan oo horumar iyo horusocod leh.

“Waxaan ugu horayn u mahadnaqayaa ilaahay caafimaadka iyo garashada ina siiyey. Intaa kaddib waxaa mahad iska leh madaxwaynaha JSL muddane Muse Bihi Abdi oo ii gartay inuu ii magacaabo xilka gudoomiyaha gobolka Hawd, runtii waa masuuliyad u baahan odaytinimo, dhexdhexaad, maskax furnaan iyo dad isku wad. Mahad kale waxaan gaadhsiinaya Shacabka reer somaliland ee iigu duceeyey iiguna hambalyeeyey xilka. Dadwaynaha Gobolka hawd waxaan ka rajeynayaa wada shaqayn wacan oo horumar iyo horusocod leh.

Walaalayaal waxaan idinka codsanaya inaad igu soo ducaysaan in ilaahay ii fududeeyo xilka”Ayuu yidhi guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed.

Leave a Reply