Madaxwayne, Waxaan Soo Jeedinayaa Ciidammada Dalka In La Xoojiyo Muruq Iyo Maalba

0
494

Madaxwaynaha Somaliland marka hore waxan usoo jeedinayaa wadahadlada Somaliland iyo soomaaliya waxaynu ognahay inaysoo bilaabmeen sanadkii 2011 waxaney socdeen sagaal sano balse waa markii koowaad ee intaad xilka haysay ee aad la kulantaan Somaliya adiga waftigii aad hogaaminaysay Md.Madaxwayne.

Sidaasi awgeed hal qodob ayaan Aragtidayda idinku Kordhinayaa kulanka dambe ee ka dhici doona Dalka DJabuuti.

Waxana weeye qodobkaasi waa inay Goobjoog ka noqdaan kulankaasi dambe labadii Dal ee kala gumaysan jiray Somali_Itaaliyaan iyo Somaliland waa Ingiriis iyo Talyaani e’

Intaasi hadii aan kaga gudbo qodobkaasi wadahadalada.

Md.Madaxwayne ujeedada iyo nuxurka maqaalkagu waa in la Xoojiyo guud ahaan Ciidamada Dalkeena Muruq iyo Maalba

Sidaasi darteed Ciidamada Somaliland oo ah Cudud laxaad leh oo u midaysan Difaaca Madaxbanaanida Somaliland

Waxan leeyahay Md.Madaxwayne bilihii u dambeeyey Cadowga Somaliland oo ah Somaaliya waxay dhaqdhaqaaq Ciidan iyo abaabul ka wadaan xadka aynu la wadaagno Somaliya ee Gobolka Puntiland ee maamulka Somaliya dhaqdhaqaaqaasi oo ay Hormaad ka tahay Maamulka Soomaaliya  ee Farmaajo.

Md.Madaxwayne waxaynu ognahay in Xukuumada Somaliya ay ku howlan tahay dagaal wajiyo badan leh oo ah mid toos ah iyo mid siyaasadeed  oo lagu furfurayo midnimada Shacabka Somaliland.

Hadaba Madaxwayne waxan kuu soo jeedinayaa inaynu Xoojino Muruqa iyo Mooralka ciidamadeenna oo ah Geesiyaal nafta u hura Difaaca Madaxbanaanida Qarankan Somaliland.

Hadaba Shacab iyo Xukuumadba waa inaynu hirgalinaa labadan qodob.

  1. Md. Madaxwayne waa inaad ku dhawaaqdaa Gudiyo Qaran oo ka kooban Guud ahaan qaybaha Shacabka sida; Ganacsatada, Axsaabta Qaranka, Qurbajooga Somaliland, Ururada Dhakhaatiirta, Iskaashatooyinka kala duwan iyo Saddexda Gole ee Qaranka, Golayaasha Dowladaha Hoose Guud ahaan waa in laga wada qaybqaato Taakulaynta Ciidamada Dalka Muruq iyo Maaliyadba.

2. Md. Madaxwayne waa in Guud ahaan Gobolada Dalka aad ugu Baaqdo ka qaybgalka Taakulaynta Ciidamada Dalkeena oo hadh iyo habeenba Heegan u ah Difaaca Madaxbanaanida Somaliland

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii: MOWLIID AADAN CUMAR

HARGEYSA- SOMALILAND

Leave a Reply