Fanaankii Maxamed Cigge Busi oo geeriyooday

0
659

Hargeysa(Dawan)-Waxa maanta gelinkii dambe Magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland ku geeriyooday alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo kamid ahaa Hal-abuurka iyo fanaaniinta Somaliland.

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey waxa uu u jiifay xanuun, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay geerida, ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shaqaale weynaha Wasaaradda Warfaafintu waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii,Qaraabadii, bah’da fanka iyo Suugaanta iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige Busi oo ahaa Agaasime ku xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta oo Galabta ku geeriyooday Caasimada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL waxa uu Marxuunka ku sifeeyay Shakhsi isku daraaday Hibooyin badan oo dhanka Fanka ah Sida Hal-abuur, Muusiishan, Mulaxamiiste, Majaajilayste iyo heesaa kaalin mug leh ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee qarankani soo maray.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige busi uu ka mid ahaa Raga Tiir dhaxaadka u ah Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Waaxda balaadhan ee dhaqanka isla markaana uu ahaa Agaasime ku Xigeenka Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirku waxa uu Ilaahay uga baryay inuu Marxuunka naxariistiisa jano ugu deeqo, Qoyskii,Qaraabadii, bah’da Dhaqanka , Wasaaradda Warfaafinta iyo shacabka Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qaranka iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hal-abuur, Muusiishan, Heesaa Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka iyo bahda fanka & sugaanta, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Rabi ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige busi waxa uu ku dhashay magaaladda Hargaysa sannadkii 1960kii, waxaanu Waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe uu ku soo qaatay dugsiyada Bula-xaar iyo Axmed Guray.

Marxuumku waxa uu fanka ku soo biiray sannadkii 1978 oo uu ilaa hada ku jiray, waxaanu iminka ahaa Agaasime ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, isagoo dhanka kalena ahaa macalin door weyn ku leh kor-u-qaadista Fanka iyo suugaanta dalka.

Marxuumku waxa uu ka qaybgalay Riwaayado badan oo caan ah, waxaana kamid ah kuwa loogu aqoon badan yahay Riwaayadii Masiibadu Adduunyada iyaddaa u macalin ah oo uu lahaa Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Genay), taasoo uu ku jiray koox fanaaniin ah oo lagu tilmaamo Jiilka labada qarni oo ay ku jiraan Cabdiqaadir Jubba iyo Hal-dhaa iyo xubno kale.

Waxa kale oo uu ka qaybgalay Riwaayada Abuur Waano la yaab.

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiyare), ayaa ku tilmaamay marxuumka tiir culus oo ka baxay fanka ” wuxuu ahaa Nin wanaagsan oo howlkar ah. wuxuu ahaa Oday fanka ka baxay oo la tebi doono”ayuu u sheegay GNA Isagoo ka tiiraanyeysan geerida marxuumka “alle ha u naxariisto”

Marxuumku waxa uu Ifka kaga tegay 18 Ubad ah oo ay kala dhaleen saddex Xaas, waxaanay iminka wada joogeen Xaas qudha kamida saddexda dumar ah ee kala dhalay 18 Ubadka ah ee uu dhalay.

Busi dadka aqoonta u leh waxa ay ku tilmaamaan in uu ahaa Nin dhinac walba fanka kaga fiican, sida curinta ereyada, Jilaa, Musician iyo qaybaha kale ee fanka.

Ugu dambeyn, maanta ayuu geeriyooday, waxaana beri lagu aasi doonaan xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa, sida aanu ka soo xiganay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafintu.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Leave a Reply