Higsiga iyo Himilada Jamhuuriyadda Somaliland

0
690

Bismilaah, assalamu calaykum waraxmatulahi wabarakatuh, salaanka bacdi waxan maanta jeclaystay inaan wax ka idhaa saansaanta horumareed eek u soo wajahan jamhuuriyadda Somaliland.

Marka laga yimaado boqcadda istratijiga ah ee ilaahay ku abuuray dalkeena , waxa jira ifafaalo horumareed oo ka muuqda dhinacyo badan oo ka mida bulshada iyo xukuumadaba.

Tusaale ahaan wadooyinka la dhisay ,kuwa socda hadda iyo kuwa qorshaysan ee ka jira caasimada iyo goboladaba iyo sidoo kale wadooyinka isku xidhaya gobolada kala duwan sida wada cerigabo –burco.

Waxa kale oo xusid mudan maalgashida ballaadhan ee ay samaynaaa muwaadiniinta ganacsatada ah,sida dhismayaasha waaweyn ee ay hantida badani ku baxday iyo sidoo kale warshadaha.

Waxa iyaduna baraarujin iga ahin diirhada la saaro sidii loo dhisi lahaa biyo xidheeno waaweyn oo aan uga faa idaysan lahayn biyaha faraha badan ee sanadkasta badda galaya ,iyo in la sameeyo buundooyin la isugu xidhayo dooxyada si isu socodku u fududaado iyo si looga badbaadiyo bulshada sanadkasta ku waxyeeloobaya .

Waxa kale oo aad u fiican in laga shaqeeyho sidii magaalda loo iftiiminlahaa oo iyadoo xadhkahanaa laga taxadarayo badqabkooda (dhulka la mariyo) ,inta waxa ii raaca basaska caasimadda iyo guud ahaa dalkoo dhan in laga fakiro sidii albaabka bidixda laga dagayo loogu wareejin lahaa xaga midig ama si  fudud la yeelo taasoo ah in haadka wadada la bedelo iyo loo danaynayo shacabka raacaya basaska oo caruur, waayeel ,naafo iyo dadjilicsanba ay ku jiraan. Talo ahaan waxa ila quman in labadelo haadka wadada sababtoo ah in ka badan 90% baabuurta wadanka timaadaa waa midigle( steeringka ayaa ku yaal dhinaca midig).

Waxa kale oo ku faraxsanahy in mashruuca biyo ballaadhinta caasimaduna meel fiican marayo,dhawaana aan rajaynayo in caasimadu si siman biyo u hesho.

Gabagadii waxaan jecelahay inaan hambalyo u diro madaxwaynaha iyo dream teamkii la socday ee ka qaybgalay wadahadadii Somaliland iyo Somaliya teamkaas oo ka koobnaa ruugcadaayo , aqoonyahano, dublamaasiyiin iyo dad professional ah oo garanaya waxay shacabku doonayaan islmarkaana u sii diyaargaroobay hawshaas.

Waxa jira dad marwalba caqabad ku ah xukuumadda iyo waxqabadkeeda oo isku dayaya inay shacabka si kale wax ugu dhigaan, markaa waxaan odhan lahaa dadkaasi iyaga oon waxba hubsan  dan gaar ahaaneedna raba inay gaadhaah, yaanay shacabkak majara habaabinin .

Wabilaahi towfiiq

Maxamed Cabdi Haybe  Maxamed

Hargeisa ,Somaliland.

Leave a Reply