Sidee Loo Xushaa Shaqaale Khibrad leh?

0
546

Markii boqorka darwalkiisu si kedis ah u dhintay waxa khasab noqotay inuu helo wade kale oo shaqadaasi uu qabta.  Boqorka ayaa dadka u sheegay in qofkii isku huba inuu hawshaasi ka soo baxayo uu yimaado si loo imtixaamo, waxaana loo qabtay muddo kooban.

Ugu danbaystii saddex qof ayaa la iclmaaiyay in imtixaan laga qaadayo oo dadku ay goob joog noqon doonan.  Xarunta weyn ee boqorka ee lagu sameeyo xafladaha ayay dadku isugu yimaadeen waxaana la yeedhiyay magacii tartamihii u horeeyay.  Waxa uu koray  gaadhigii boqorka waana uu kexeeyay isagoo ku soo wareejiyay xarunta , isla markaana buur si sanaaci ah loo sameeyay  oo tababarka ciidanka lagu qaato u saaaray gaadhiga si dhakhso ah.

Shacabka ayaa markiiba yidhi kaasi ayaa ku fiican inuu noqdo darawalka boqorka waana xariif. Kii labaad aya isna si ka sii ficaan kii hore u dhamays tiray haddana shacbku waxay yidhaahdeen kana ayaa ku fiican oo ka wanaagsan kii hore.

Kii sadexaad ayaa isna yimi oo si degan u kexeeyay kuna soo wareejiyay, buurtana si degan uga baxay oo ka soo dejiyay, laakiin wakhti ka badan kuwii hore ayay ku qaadatay. Shacabkii ayaa yidhi “ kani waa tabcaan aan xirfadda aqoon badan u lahayn”.

Markii boqorkii soo saaray ka ugu fiican inuu wade noqdo wuxu qaatay kii ugu danbeeyay markii dadkii ay la yaabeen sababta wuxu ku yidhi “ Waa inaad ahaata qof leh xikmad iyo degenaansho, waxba ma taro degdega iyo dhakhsaha hawsha loo qabtaa tayada ayay wax yeeshaa, waa inay noqotaa mid wanaagsan oo halis ka madhan inta lagu guda jiro”.

Xikmaduna waa degdegu wuxu wataa haliso iyo weliba tayo xumo, yaanay markaasi dhicinbe. Labadan hore khatar ayay ku jireen inkasta oo aany ku dhicin, laakiin kan danbe kuma jirin halis iyo khatar midna maxaa yeelay si degan ayuu gaadhga buurta uga saaray oo ka soo degay.

Leave a Reply