Boorama: Xukuumadda oo Agab Caafimaad Gaadhsiisay Gobolka Awdal

0
458

Boorama-(Dawan)- Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa gobolka Awdal gaadhsiisay deeq kala duwan oo isugu jirta Gaadhi Ambalaas, mishiinka lagu baadho xannuunka Covid-19, shan iyo lixdan haamood oo ah kuwa ogsajiinta ah iyo agab kale oo caafimaad, kuwaasi oo gobolka ka dabooli doonaan baahiyo badan oo jiray.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay safar shaqo ku tagay gobolka Awdal ayaa masuuliyiinta Caafimaad ee heer gobol ku wareejiyey qalabkaasi iyaga oo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dedaalkooda dhanka adeegyada caafimaadka ee ay bulshada u hayaan isla markaana ilaashadaan qalabkaas kala duwan ee wasaaraddu soo gaadhsiisay.

 

Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo deegaan hoos yimaada ayaa waxa ka jiray gaadiid la’aan dhinaca gurmadka Caafimaadka ah iyo Ogsajiin la’aan yaraan balse qalabkan ayaa wax weyn ka qabanaaya baahidii gobolka ka jirtay

 

Leave a Reply