“Dowladu Cidii cid ku Disha Xadgudub iyo Gardaro waa in ay Xukunka ALLE marisa”…Sheekh Cabdiraxmaan Dheere

0
687

Hargeysa (Dawan) Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mida culimadda waa weyn ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada maalmihii la soo dhaafay dib uga soo cusboonaaday deegaanada Horafadhi iyo Beeyo Macaan, ee gobolada Saaxil iyo Sool,  waxaanu dadka colaadahaasi hurinaya xukuumadda Somaliland ugu baaqay in cid disha loo dilo, isaga oo tilmaamay in dariiqa kaliya ee uu dilka sida macno darada ah qofka loo dilayaa uu ku yaraanayo.

Sidoo kale waxaa uu beelaha walaalaha ah ee is dilaya ugu baaqay in dhiiga muslinka ee ay daadinayaan ILLAAHEY kaga baqaan.

Waxaanu sheekhu sidan ka sheegay salaadii khudbadii salaada Jimce, isaga oo bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay fadhiga uga kacaan sidii loo joojinlahaa colaadaha Ehliga ah.

 

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiraxmaan Dheere) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dhiiga Muslimimka ah daadintiisu dadka waa ay la sahlanaatay, waxaan macno laheyn oo aanay sakaaro ka biirsan ayaa laysku laynayaa qudha iyo ruuxa muslimka ahna lagu goynayaa.

Dagaalo badan iyo dirir qabiilooyin u dhaxaysa ayaa ka dhacay waddankan aynu ku noolahay, waxaa  u danbeeya kuwa ka socda Bari, gobolada Saaxil iyo Sool, dadka isku dilaya Derged yar oo meel laga dhisay oo waar ka daa ay ku filan tahay ee dad muslimiina qudhooda ku jarayaa waxaa ay ku tusinaysa sida dhiiga muslinku agtooda uga macno belay, ILLAAHEY-na agtiisa macnahaasi weyn ayuu ka sameynayaa inuu adduunyadaba kaxeeyo oo guud ahaanba adduunyada tirtiro, ayaa qof muslina kaga fudud in dhiigiisa la daadiyo”

Sheekhu waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in qofkii qof dila isna loo dilo “Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay arrintan ka gilgisha oo fadhiga ka kaca oo qofka qof dulmi ku dila in loo qisaaso oo xaqa ILLAAHEY la mariyo taasana lagu yareyn karaa dhiiga macno darada u daadanaya, marka dowladii cidii cid ku disha xadgudub iyo gardaro waa in ay xukunka ALLE marisa,  oo kuwa ka danbeeya si ay ugu cimri qaataan, walaalaha is dilaya waxaan leeyahay dhiiga muslinka ee aad daadineysaan ILLAAHEY kaga baqaa, inay casabada iyo qabyalada iska ilaaliyaan NNKHA Nabigu waxaa uu yidhi ‘qofkii ku dhinta qabyaalad ama ku dhinta dagaal iyo fidno qabyaaladeed bakhti Jaahilnimo ayuu bakhtiyay’ wax macno ah ILLAAHEY agtiisa kama laha”

 

Leave a Reply