Barlamaanka Kenya oo Wadda Olole lagu Taageerayo Qadiyadda Madax Banaanida Somaliland

0
668

Nairobi-(Dawan)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa filayaa in dhawaan ay socdaal ku yimaadan magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi oo kulamo la qaadan doona Hoggaanka iyo Madaxda Xisbiyada.

Todobaadkii hore ayey ahayd Markii magaalada Hargeysa ay booqsho ku yimaadeen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Raila Odinga kuwaasi oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi iyaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan ganacsiga iyo siyaasadda.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan barlamaankan dalka Kenya ayaa wada olole barlamaanka lagu horgeynaayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Raila Odinga ayaa hore u sheegay in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banaan maadaama oo ay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, Waxaanu tilmaamay in ay tahay meel doorashooyin dimuqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor. taasi oo aan ka dhicin waddamo badan oo dunida ah.

Leave a Reply