Maxay tahay heesta Bulshada Somaliland kaga dareen-celisay Dhaleecayntu?

0
900
Todobaadkan Hadal-haynta bulshada dhexdeeda iyo baraha bulshada waxa aad u qabsaday Hees muuqaalkeeda laga bixiyey fikiro kala duwan oo iska soo horjeeda.
Heestan oo ay dhawaan soo saareen kooxda Xiddigaha Geeska, magaceeda la yidhaahdo IINOQO, isla markaana ay wada qaadeen Fannaanka Cabdiraxmaan Oday oo isaga laftiisu ereyad sameeyey iyo Fannaanad u dhalatay dalka Itoobiya oo magaceeda la yidhaahdo Hirut, ayaa muuqaalkeeda lagu tilmaamay mid aan waafaqsanayn dhaqanka dalka iyo anshaxa Fanka, waxaana ka hadlay culimo iyo dad kale oo baraha bulshada kaga faallooda.
Muuqaalka la dhibsaday, ayaa ah mid ay ka soo muuqdeen Fannaanka iyo Fannaanada oo ku lebisan Dhar asturnaantiisu liidato, balse aan si dhab ah u muujinayn qaawanaan.
Fannaaniinta heestan soo saaray kamay hadal dareen-celinta ka dhalatay, sidoo kalena Kooxda Xiddigaha Geeska oo ah Shirkadda ugu balaadhan ee wakhtigan xagga fanka loogu aqoon badan yahay wax war ah kama soo saarin diidmada lagala hor yimi heestan.
Hase yeeshee, xeel-dheerayaasha dhaqanka iyo qaybo kamida hormuudka bulshada waxa ay heestan muuqaalkeeda ku tilmaameen xad-gudub iyo anshax xumo lagula kacay dhaqanka suuban ee umadda Somaliland, iyadoo xagga diinta marka laga eegana lagu sifeeyey arrin Fawaaxish iyo fool-xumo horseedaysa.

Waxaana dadka ka hadlay kamida Sheikh la yidhaahdo Cabdiraxmaan Dheere oo ku taliyey in wax laga qabto anshax-xumada muuqaalkaasi soo kordhiyey iyo in talaabo laga qaado fannaaniinta ku kacay arrintaasi, si looga hortago in la caadaysto.

Balse, waxa jira dad kale oo qaba aragti taasi ka duwan, kuna dooddaya in aan wax la dhibsadaa ka muuqaan muuqaalka heesta, sidaasi darteed sabab loo qodqodo amma loo dhaleeceeyaa aanay jirin fannaaniinta.
Ugu Dambeyn, marka laga yimaado fikradaha is-diidan ee dadka, waxa xaqiiqo ah in aan muuqaalka heestaasi ka turjumaynin quruxda iyo hab-sannaanta fanka, lagana dareemayo in ilaa xad ay labada fannaanba ka gudbeen xayndaabka dhaqanka suuban ee Dadka reer Somaliland.
Waxa muhiim ah in ay Fannaaniinta iyo cid kasta oo ka shaqaysa arrimaha suugaantu fahmaan in Fanku door laxaadle ku leeyahay horumarka Bulshada, kuna hogaamiyo hadba dhinaca ay u jiheeyaan dadka soo saaraa xagga wanaaga iyo xagga xumaanta labadaba, taasina waa sababta ay fannaaniintu u yihiin Indhaha iyo Dhegaha dadweynaha, si lamida jileyaasha kale ee dadka la hadlaya, sida Culimada, Abwaaniinta, Wariyeyaasha iyo dad lamidka ah.

Leave a Reply