Maxamed Maxamuud Cige (Busi): Abwaankii koobsaday Tiirarka fanka oo hoyday..Q2aad

0
2219
Akhristeyaal Khamiistii todobaadkii hore waxa magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay Abwaan, Mullaxan Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ahaa Agaasime ku-xigeenkii Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta oo sidoo kale ahaa Hoobal fanka ku soo jiray ilaa todobaatanaadkii.
Qormadeenii dhaqanka iyo Suugaanta ee Sabtidiina waxa aan ku soo qaadanay sidii looga qaybgalay iyo wixii laga yidhi Taariikh nololeedkii Marxuumka, isla todobaadkana waxa aynu ku soo qaadanaynaa Taariikh nololeedka marxuumka oo faahfaahsan.
Haddaba  Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Maxamuud Cige (Busi) waxa uu Fanka si rasmi ah ugu biiray sannadkii 1978 oo uu ilaa hada ku jiray, waxaanu iminka ahaa Agaasime ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, isagoo dhanka kalena ahaa macalin door weyn ku leh kor-u-qaadista Fanka iyo suugaanta dalka , doorkaasoo uu ku jiray tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday.
Xilliga uu ku biiray fanka ee taariikhda kor ku xusan, waxa uu ku biiray Kooxda Waaberi, waxaana loo qaatay dhinaca Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, iyadoo markii dambena xilli aan ka fogan wakhtiga uu fanka ku biiray kamid noqday Heesaaga iyo jileyaasha Kooxdii Waaberi. “Bil amaarah 18 ayaan ahaa markii aan fanka ku biiray” ayuu ku yidhi waraysi uu bixiyey sanado ka hor .
“waxaan Xoghayaha maamulka u ahaa Xaafada gacan-libaax, kolkaa fannaaniinta la saaxiib-baan ahaa, tiyaatarkuna wuu noo dhawaa, kaddibna sidaan iyaga ula fadhiyey ayaan hore ka raaacay” ayuu mar kale sheegay.
Marxuumku waxa uu sheegay in markii uu fanka ku biiray uu ka baxay dhinacii shaqada dawladda iyo xafiisyadii uu ka shaqaynayey, isagoo tilmaamay in xiisaha iyo jacaylka fanka uu u qabay hilowgoodii uu dhex geeyey fagaaraha dhaqanka iyo hidaha “Qoysku wax dhib ah umuu arag oo berigaa dadku way jeclaayeen dhaqanka iyo suugaanta”ayuu raaciyey mar uu ka hadlayey sida uu qoyskoodu u arkay markii uu dhex galay fanka.
Waxa u nasiib ahayd in Aabihii Maxamuud Cige uu nolosha ku oo gaadhay ilaa sanadkii 2013-kii oo uu geeriyooday, isla markaana ay Hooyadii nooshahay ilaa iminka alle Cimriga u daayee.
Bilowgiisii fanka iyo xaalada qoys marka aynu ka nimaadno, marxuumku wuxuu tumi jiray inta bada qaybaha Muusikada, sida Kamanka, Organka, Bowngaha, waxaanu sheegay in uu baray Nin dhintay oo la odhan jiray Alle Cabdiqaadir Muuse Dhibay “tumista Kamanka waxaan bilaabay 1984-kii”ayuu yidhi.
Sida uu ku sheegay barmaamujka lagu waraystay, waxa isku dhacay heestii u horaysay, laxankiisii u horeeyey ee uu sameeyo iyo codkii uu ku qaaday, waxaana heesta la yidhaahdaa Hodan, taasoo uu sameeyey Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo).
Intii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay, heesaha caanka ah ee uu ku luuqeeyey Abwaan Busi waxa kamid ahaa heesta la yidhaahdo “Somaliland dalkayga”.
Geesta kale, marxuumku waxa uu qaaday, laxanka saaray amma curiyey heeso badan oo dhegaha bulshada in badan ku soo noqnoqday, waxaana xusid mudan in uu baal dahab ah ku lahaa fanka soddonkii sannadood ee ay Somaliland jirtay, isla markaana aanu maqnayn gole madadaalo iyo suugaaneed oo qaran taariikhdasi.
Mid kamida heesaha uu laxanka saaray ee lagu xasuusto laxansamaantiisa deg dega ah iyo sida uu ugu xeel-dheeraa waxan ku soo qaadan doonaa heesta loo isticmaaalo baroor-diiqda geerida culus ee qaranka ku timaada oo sida la xaqiiqsan yahay loo sameeyey alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Tafaftire ku-xigeenka Dawan Media Faysal Xiis Weerar oo goob-joog u ahaa markii heestaasi la samaynayey ayaa ku waramay sidan “waxaan xusuustaa maalintii uu geeriyooday alle ha naxariistee madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahayd 3-dii bishii May 2002, kaddib afartii bisha ayaanu isugu nimi annagoo ah fannaaniintii xarunta Radio Hargeysa. dabadeedna waanu ka soo tagnay oo waxa laysugu yimi hoolka Hay’adda shaqaalaha.
hoolka shirarka ee Hay’adda shaqaalaha intaanan fadhiisan ayuu heestii Baroor-diiqda sameeyey Axmed Saleeban Bidde Baydkii koowaad, dabadeed qoraalkii heesta oo wali socda ayuu Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) igu yidhi heesta baydkii hore ii dhiib, kaddibna waxaan u dhiibay Baydkii koowaad ee heesta, intaan Baydka labaad qoraynayna wuxuu dhamaystiray Laxankeedii iyo Muusigeedii. Abwaan Axmed Saleeban Heesta midhaheeda markii uu dhameeyey Maxamed Busina laxankeedii iyo codkeediiba wuu dhameeyey, in yar kaddibna wuxuu xafidsiiyey fannaaniintii qaadaysay, isla habeenkiibana way baaxday.”ayuu yidhi Faysal.
Inaguna maanta isaga ayeynu leenahay “geesi naga dhashoo guul siduu ahaa. godka lagu janee”.
Alle ha u naxaristee Abwaan Busi sida laga sheegay wuxuu shakhsi aad u wanaagsan oo waliba dhinaca Fanka iyo xidhiidhka bulshada si aad ah loogu amaanay intii uu shaqaynayey, waxa kale oo xusid mudan in uu tiir-dhexaad u ahaa bahda Suugaanta Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey, iyadoo sida la wada xaqiiqsan yahay aan meelna kaga maqnayn barmaamuj fanneed oo la qabanayo, haba u badnaadeen bandhigyada la qabto maalmaha munaasibadaha qaranka.
Waxa uu door laxaadle ku lahaa suugaantii wacyi-gelinta Dastuurka iyo Riwaayadihii dalka lagu dhigay sanadihii sooyaalka madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Heesaha debecsan ee uu qaaday amma ku luuqeeyey, qaar kamida haddan magacyadooda si guud u soo qaadano, waxa kamid ahaa;
1. Anaa doonayoo
2. Barbaarta aan la kaasado
3. Dahab-badaan jeclaayey
4. Hadaaqaan dayn lahaa
5. Hilaac
6. Salma
7. Igu walacsataabaa
Dhinaca waddaniyada oo aan hore u sheegnay in ay ugu badnaayeen heesaha uu qaaday, waxa kamid ah heesta Tacliinta iyo Waxbarashada iyo kuwo kale oo badan oo uu kaga qaybgalay bandhig-fanneedyo kala duwan gudaha dalka lagu qabtay.
La soco qormooyinka dambe

Leave a Reply