Wasiirka Caafimaadka Oo Gaadiid iyo Qalab Caafimaad Ku Wareejiyay Maamulka Sool

0
562

Laascaanood (Dawan): Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/laahi, ayaa maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ku wareejiyay gawaadida gar-gaarka deg deg ah iyo qalab caafimaad.

Wasiirka oo safara shaqo ku tegay Laascaanood waxaa soo dhaweeyay badhasaabka gobolka ka degmadda Laascaanood, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaan kala wareegay agabka iyo Anbalaasyada loogu tala-galay Cusbitaalka Laascaanood, waxayna kala ahaayeen:-

2 Gaadhi oo kuwa gadiidka gurmadka deg-degga ah, 50 Haammood oo kuwa Ogsijiinta lagu shubo ah, 2000 oo xabbo oo Tapid Test ah. Waxaan kele oo u mahad cellinnayaa ganacsadaha.

Xaaji Maxamed Jabuutaawi oo isna hal Baabuur oo gurmadka deg-degga ah Cusbitaalka ugu deeqay naguna wareejiyey.

Gadiidka gurmadka deg-dega ah ee Wasiirku na soo gaadhsiiyey, ayaa mid ka mid ah shaqadii u horaysay isla maanta-ba bilawday, ka dib markii qof ku dhaawacmay lagu qaaday.

Si wada jira ayaannu intaas ka dib waxaanu u dhagax-dhignay, dhismaha la dhigayo mashiinka dhaliya neefta Ogsijiinta.

Wasiirka iyo wasaaraddiisa oo aan uga mahad cellinayo waxqabdkoodan iyo sida ay ugu heellan yihiin horumarinta Cusbitaalka Laascaanood, waxaan leeyahay ku soo dhawoow gobolka Daraawiishta kuna suntan halganka & gobonnimadeenna.

Daawo: Hadaladii masuuliyiinta

Leave a Reply