Wasaaradda Caafimaadka oo Agab kala Wareegtay Hay’adda SOS

0
585
Wasaaradda Caafimaadka oo Agab kala Wareegtay Hay’adda SOS

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa agab caafimaad oo lagaga hortagayo xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, kala wareegtay hay’adda waddaniga ah ee SOS.

Waxaana madashii wasaaraddu ay agabkani kula wareegaysay goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, kana mida guddida heer Qaran ee Covid-19, agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo masuuliyiin ka socday hay’adda SOS.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Idiris Cabdi Xirsi madaxa mashaariicda deg degga ah ee hay’adda SOS, waxaanu faahfaahin ka bixiyay agabkan iyo inta nooc ee uu ka kooban yahay “Agabkan waxaa ka mida 25-xabo oo Oxygen ah oo aan waddanka gudihiisa laga helin ee aanu dalka dibadiisa ka keenay, waxna ka tari doona xannuunka lala tacaalayo ee Covid-19 weliba dadka xannuunka la tacaalaya ee Oxygen-ku ka yaraado, waxaa kale oo qalabkaas ka mida qalabka lagu cabiro Oxygen-ta ee qofku in uu u baahan yahay iyo in kale lagu ogaado, waxaa kale oo ka mida boqol iyo lix iyo todobaatan xabo oo isugu jira af xidh iyo gacmo gashi, waxaa kale oo aanu wasaaradda caafimaadka aanu u keeni doona saddex qof oo kala shaqeeya mushiinka xannuunkani lagu shaybaadho oo anau mushaharkooda bixin doono”

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in agabkani wax badan ka tari doono xakameynta loogu jiro faafitaanka xannuunka safmarka ah ee Covid-19 “Agabkan oo isugu jira agabka Oxygenka siiya qofku marka uu u baahdo Oxygenka, ka af xidhka, afka gacmo gashiga, qalabka lagu ogaado in qofku u baahan yahay Oxygen, iyo agabkan oo ah mid aad u mihiima kuna jiraan kuwa qofka Oxygenka siiya, hay’adda inoo keentay ee SOS aad iyo aad ayay ugu mahadsan tahay, waxaanu wax weyn ka tari doona hawlihii wasaaradda caafimaadku kula tacaaleysay xannuunka Covid-19”

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo isagu agabkani kala wareegay hay’adda SOS ayaa uga mahad celiyay “Hay’adda SOS ee carruurta ee agabkani aanu kala wareegayna ee waxqabadkeedii laga soo sheekheeyay waxqabadkeedii anigu dib ugu noqon maayo waanu uga mahad celineyna agabkani ay inagu wareejinayso kaas oo wax badan ka tari doono xakameyntii loogu jiray faafitaanka xannuunka safmarka ah ee Covid-19, ILLAAHEY waxaa uu yidhi wixii idin dhibaya iska ilaaliya ee halaga digtoonaado faafitaanka xannuunkani”

Wasaaradda Caafimaadka oo Agab kala Wareegtay Hay’adda SOS

Leave a Reply