Baladweyne : Dameer Sababay Burbur Diyaaradeed

0
1565

Beledweyne (Dawan) – Diyaarad Xamuul oo ay lahayd Shirkadda Bluebird ayaa burburtay markii ay fadhiisatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beledweyne, 14-kii Bishan July oo ahayd Salaasadii Shalay, 2020.

Diyaaradda Kenya laga lahaa ee Shirkadda Bluebird ayaa burburtay, ka dib markii ay isku dayday inay ka baydho Dameer taagnaa Dhabbaha (Run-way) ay ku socotay, sidaana waxa ku warramay Kenyans.co.ke oo HCTV soo xigtay.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa 8-400 PF isla-markaana lagu farsameeyay ama lagu sameeyay Dalka Australia, ayaa waxa saarnaa saddex Qof, waxaana saddexdooda soo gaadhay dhaawacyo fudud oo ka soo gaadhay burburka Muraayadaha diyaaradda.

Maamulaha guud ee Shirkadda diyaaradda lahayd Captain Hussein Mohamed oo la hadlay Kenyans.co.ke ayaa sheegay “Mid ka mid ah diyaaradahayaga ayaa ku burburtay Soomaaliya, waxay Raashin u daabulaysay Ciidammada AMISOM ee Beledweyne jooga, halkaasi oo fadhiisin u ah Ciidammada Jabuuti ee AMISOM ka mid ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Diyaaraddu waxay subaxdii hore ka soo duushay Jabuuti, markii ay Dhabbaha fadhiisatay ayuu dameer Xanibay..”

Maamuluhu wuxuu sheegay in diyaaraddu jiidhay Dameerka, laakiin ay u suurto-geli wayday inay si wanaagsan dhabbaha ugu soo laabato.

Leave a Reply