Golaha Deegaanka Berbera oo Soo Bandhigay Qaabkay u Maamuleen Miisaaniyadda

0
544

Berbera-(Dawan)-Kal-fadhigii 22-aad ee golaha deegaanka ee degmada Berbera ayaa si rasmi ah u furmay, iyada oo fadhigaas ay ka soo xaadireen labaatan xildhibaan oo golahaas ka tirsan.

Furitaanka kal-fadhigaals 22-aad oo uu shirguddoominaayay guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Berbera ahna maayarka degmadaas Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ugu horayn waxa kal-fadhigaas xildhibaanada golaha deegaanka warbixin ka siiyay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid oo faahfaahin ka bixiyey sidii loo maamulay miisaaniyadii 2020, wuxuuna sheegay inay dhammaantood u hirgaleen mashaariicihii lagu qorsheeyey kal-fadhigii 21-aad ee dhammaaday iyaga oo u fulay sidii goluhu ugu talo galay.

Maayarka degmada Berbera oo furitaanka kal-fadhigaas shirguddoominaayay ayaa golaha warbixin ka siiyay sidii ay u maamuleen dhaqaalihii iyo agabkii soo gaadhay degmadaas ee ku saabsanaa ka hortagga xannuunka Coronavirus, isaga oo intaas ku daray in lacagahaas soo gaadhay ay u qorsheeyeen in lagu soo iibiyo mishiinka lagu baadho xannuunka Covid-19 iyo haamaha loo adeegsado inay neefta ka caawiyaan dadka uu hayo xannuunkaasi ee xaaladoodu caafimaad liidadto.

Ugu dambayn maayar Berbera waxa kale oo uu sheegay in degmada ay ka hirgaliyeen mashaariic kale oo dhinaca caafimaadka ah, kuwaas oo ay ku maamuleen dhaqaalihii degmada lagu caawiyay iyo qorshihii dhanka caafimaadka ee ay hore u qorsheeyeen inay degmada ka hirgaliyaan.

Leave a Reply