Xarun loogu talo-galay qurxinta iyo bilicda Haweenka oo Hargeysa laga furay

0
894

Waa fikrad cusub, maal-gashi shaqo-abuur soo kordhiyey iyo hoy wax badan ka tari doona Caafimaadka iyo quruxda Haweenka Somaliland.

Dhismaha Xarunta Sweden Beauty Center oo ka soo horjeeda Sekedda uu ku yaallo Xafiiska Dahabshiil ee Laanta Xero-awr

Muwaadiniinta reer Somaliland ee ka soo laabanaya qurbaha iyo qaxoontigii Qarbiga shisheeye inkasta oo ay noqdeen dad la-jaan qaaday ku noolaanshiyaha dhulka ay nololsha u raadsadeen markii uu dalku burburay, haddana waxa ay sanadahan dambe ula soo hiloobayeen Dalkooda fursado hal-abuurkoodu dunida la jaan-qaadayo oo ay kaga qayb qaadanayaan horumarka Waddankooda.


Sweden Beauty Center, waxa xarun loogu talogalay qurxinta, Jidh-dhiska iyo nafaqaynta Haweenka oo laga furay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Hero-awr dhisme wax yar dhinaca Bari kaga beegan Isgoyska caanka ah ee Xero-awr.

Xaruntan oo aan nooceeda hore dalka looga furin dalka, isla markaana saxadeeda iyo nadaafadeedu aad u heersarayso, laguna dhamaystiray guud ahaan qaybaha ay dumarku isku-billaan xilliyada ay Xafladaha tegayaan amma ay Arooska yihiin, waxa maal-gelisay Khadra Daa’uud Ismaaciil oo in ku dhow labaatan sannadood adeegyada caafimaadka kaga shaqaynaysay Cisbitaallo ku yaalla dalka Sweden.

Khadra waa Mulkilaha xarunta qurxinta iyo jidh-dhiska Haweenka, waxa ay sheegtay in wakhti iyo adduunba ay gelisay sidii ay dalkeeda ugu soo kordhin lahayd wax u wanaagsan caafimaadka qayb kamida Bulshada, iyadana u sameeyana Ganacsi iyo shaqo-abuur dadkeedu ka faa’idaysto.

Waxa xaruntan ka shaqeeya ilaa 20 Qof oo Dumar ah, kuwaasoo xirfado kala duwan kula shaqeeya, sida qaybta qurxinta oo ay ka shaqeeyaan howl-wadeeno u carbisan aqoonna u leh, qaybta Jimicsiga oo sidaasi lamida iyo qaybta Maydhista iyo nafaqaynta oo ay ka howl-galaan hablo ku xeel-dheeri.

“Khadra waan ku hambalyeynayaa in ay dalkeeda u soo kordhisay maal-gashigan shaqo-abuurka iyo bilicda Haweenka waxa badan ka taraya”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha bulshada iyo shaqo-gelinta Hinda Jaamac Xirsi oo ka hadlaysay munaasibad lagu daah-furay xaruntan. 

Xubno kamida hal-doorka Haweenka reer Somaliland, ayaa ka qaybgalay xaflada furitaanka, waxaanay dhamaantood ku tilmaameen hadyad u soo korodhay Haweenka oo lagaga maarmi doono goobihii yaryaraa ee sida aan cilmiyeysanayn loogu bilcin jiray Dumarku marka ay munaasibadaha gaarka ah tegayaan “xaruntu waxa ay leedahay qayb VIP oo gabadha aroosada ah wax walba loogu qabanayo. waa qayb qolaal ah oo aanu ugu talogalnay dadka sidaa doonaya”ayuu tidhi Khadra Daa’uud oo ka waramaysay qaybaha Dukaankeeda.

Xaruntu waxa ay ku taallaa dhisme ka kooban saddex dabaq, waxa ay leedahay Dukaan lagu Iibiyo Dawooyinka loo isticmaalo quruxda Dumarka oo ah kuwo dabeeci ah amma aan ahayn kuwa Kimikada Dubka dhaawacdaa ku jirto, qaybaha kale waxa ay isugu jiraan goobaha loogu talo-galay shaqada. sidoo kalena qaybta jimicssigu waa xarun gaar ah oo isla dhismaha ku taalla oo iyaduna u qaabaysan si casri ah.

Dhamaan tilmaamahani waxa ay ku tusayaan in ay xaruntu tahay mid ahmiyada ugu weyn la siiyey caafimaadka iyo nadaafada, sidoo kalena ay hoy u noqoto quruxda Dumarka wakhtiyada ay xafladaha isu-diyaarinayaan amma ay si iskood ah isu-qurxinayaan.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Si kastaba ha ahaatee, caasimada Somaliland waxa ay sanad walba marti-gelisaa barmaamujyo ganacsi iyo firkado cusub oo ay qurba-jooggu dalka ku maal-gashanayaan, xaruntan Sweden Beauty Center-na waxa ay fursad u tahay quruxda Haweenka iyo horumarinta xirfadaha Gabdhaha.

Leave a Reply