Filim Cabsi Darteed Looga Yaacay!

0
551

Haddii aad ka hesho dhammaan taariikhda taariikhda filimada, ma maqashay sheekada filimka tareenka oo ah kii u horeeyay ee isagoon midab lahayn la dhigo. Waxaa uu ah Tareen madow oo aamusan. Magaca filimku waa “ Tareenkii wuu soo gaadhay istaanka” .

Filimkan ayaa la dhigay sanadkii 1896, waxaana sameeyay Auguste iyo Louis Lumière, oo ah nin hal abuur leh oo ka mid ah dadka ugu horreeya ee curiya sawirada socda ama xarakeya.

Sida sheekadu sheegeyso, muuqaalka tareenka midabka madow iyo cadaanka ah ee aamus ee xawaaraha ku socda waxa uu buuxiyay shaashada filimka oo lagu dhigayay magaalada Paris, dadka daawanayay filimka  waxay u maleynayeen inuu goobta uu Tareenku si toos ugu jiro oo dhex socdo, may rumaysan karayn inuu yahay socda.

Tareenku socda ayuu ku soo jeeda dhinaca daawadayaasha aad ayay u naxeen, waxay filayeen inuu leexdo, laakiin markii uu dhinacooda ku soo waajahnaa ee uu baydhi waayay ayay mar keliya albaabka boobeen oo ka yaaceen goobta filimka lagu daawanayay.

Waxa ay dadku u qaateen in tareenku uu ka soo dhex baxayo shaashadda, oo haddii aanay goobta ka kicin uu jiidhayo.

Leave a Reply