Saameynta Taban ee Baraha Bulshadu ku Yeesheen Dhaqanka Soomaalida

0
1750

Koboca Mowjadaha Tiknoolajiyadu waa kuwo faa’ido iyo dhibaato labadaba ay ka dhaxleen bushada isticmaashaa, waxaana sida laga war qabo wadamo badani la tacaalayaan sidii ay u xakamayn lahaayeen waxyeellada ku lamaan tiknoolajiyada casriga ah.

hore waxa khaati looga joogay qaar kamida baraha Bulshada sida Snapchat, Facebook iyo kuwo kale oo saameyn taban ku yeeshay dhaqanka iyo xidhiidhka wanaagsan ee mujtamaca qaarkood, gaar ahaan Qoysaska iyo Haweenka.

Waxa jira sheekooyin badan oo laga qoray iyo kuwo qallin ma koobaan ah oo laga dersay dhibaatada si xun u isticmaalka baraha Bulshada, iyadoo Soomaaliduna kamid tahay dadyowga sida xad-dhaafka ah ugu fidmoobay badweynta baraha bulshada ee aan ku ilaalisa xayndaabka wanaagsan lahayn.

Qoomka Snapchat

Haddii aynu tusaale u soo qaadano sheekooyinka laga guntay. waxa kamida Nin baa ay xaaskiisu waxa ay inta badan isticmaashaa bahalka la yidhaahdo Snapchat-ka oo ay hadh iyo habeen ku jirtaa. mar kasta oo uu shaqo ka soo galo waxa uu ugu yimaadaa iyadoo bal-kulan ku haysa halkaasi.

Muddo wuxuu ka waaniyo oo ay Aqbal tidhaahdo, haddana halkii ka sii miistaba , markuu dareemay xaalada uu waajahayo Qoysku ee sababi karta burburka, ayuu maalin maalmaha kamida waxa uu gurigiisa ku casuumay Seedigii oo ay Gabadhaa Walaalo yihiin si uu ugala hadlo arrintan halista ku ah jiritaanka Qoyska.

Seedigii oo aanay in muddo ah is-arag, inta badana ku xadfan howl-maalmeedkiisa shaqo oo ay yartahayba inta uu fursad helaa, ayaa soo ajiibay marti-soorka uga yimi Ninka Gabadhooda qaba, waxaanu isla maalintii casuumadu ahayd, amintii balanku ahaa soo gaadhay gurigii walalshii oo uu ku sugayo Seedigii.

Markii uu guriga soo gaadhay ee uu albaabka garaacay waxa ka furtay walaalshii oo sidii caadada u ahayd ku jirta live, waxaana bariido iyo salaan kaddib ay ku boobtay ku soo dhawoow Walaallo asxaabtaydiibaan Live ugu jiraaye soo dhawoow oo Salaan.

Gabadhu intii ay walaalkeed u soo gelbinaysay dhinaca Qolka loogu talo-galay martida waxa ay akhyaarta sheekadu u socotay ay u sharaxaysay  qofka ku soo biiray ee walaalkeeda oo ay lahayd barasho wanaagsan, iyadoo geesta kalena kelmado canaan ku jirto ku tuur-tuuraysa wiilkan ay walaalaha yihiin oo ay ka tirsanayso xidhiidh-xumo iyo in uu war moog yahay.

Qolka fadhiga haddii la soo gaadhay oo aanu wali Xaajigii guriga lahaa Seedigii qaabilin, ayaa Ninkii reerka soo booqday ee la casuumay uu isna la soo baxay Telefoonkii weynaa ee gacanta, kaddibna uu si dhakhso ah u furtay qaybtii Snapchat-ka, dabadeedna uu halkaa kala hadlay magaalada oo dhan, isagoo ka waramaya goobta uu jooggo oo ah gurigii walaalshii iyo cida la joogta oo ah gabadhii ay isku dhalasho xigeen.

Qadar daqiiqado ah oo buuqa iyo salaantu isqabsaday guriga waxa soo baxay Seedigii oo filayey in la fadhiisiiyey Qolka martida, una soo diyaar-garoobay haasaawe iyo howl wixii ay ka balansanaayeen.

Hase yeeshee Xaajigii wuxuu u soo galay labadii qof oo midba gaar ula jeestay Telefoon iyo sheeko, markii uu u soo galayna labadoodiiba inta ay ku soo boodeen ayey kala hororsadeen sidii duul sakhraansan, iyagoo leh kaalay Asxaabtayda aan ku baree iyo aniga ii kaalay. “Cajiib!.

Ninkii oo Madaxu weynaaday, ayaa si deg deg ah u bedelay qorshihii uu ugu yeedhay Seedigii, waxaanu u sheegay in uu  doonayey in uu siiyo waxoogaa hadyad ah oo uu ugu talogalay,kaddibna inta uu hadyadii guddoonsiiyey, ayuu kaga baxay waa inoo mar kale Seedi.

Sheekadan waxa laga sameeyey film sanadkii hore soo baxay, waana qiso dhab ahaanteeda laga sheekeeyey, hase yeeshee marka aynu ku dabaqno macquuliyada iyo hab-dhaqanka bulshada qaarkeed, waxaad odhanaysaa tani waa sahala oo waxa dhaca dhibaatooyin ka sii culus.

Sawirrada lagu baahiyo Facebook

Sawirrada lagu baahiyo Facebook amma meelaha kale, waxa iyagana la rumaysan yahay in ay waxyeello caafimaad iyo halis kaleba leeyihiin. gaar ahaana waa Taswiirta inta la qurxiyo, haddana asturnaanta laga qaado ee cawrada iyo caddaha lagu muujiyo, iyadoo sawirradaasi ay u badan yihiin kuwa ay habluhu sida xil-kasnimo la’aanta ah ugu bandhigaan baraha bulshada, iyagoo aan ka xishoonaynin Waalid, walaal, ehel, asxaab iyo umadda. alle ka cabsiguna ka maqan yahay.

Khadka cusub ee IS-XARAASH (TikTOK)

Haddaba, iyadoo xaalka baraha bulshadu sanadihii dambe halkaa marayey, ayaa haddana waxa soo biiray mid kale oo lagu tilmaamay in uu wixii horeba ka waali cas yahay.

Khadka cusub ee baraha bulshada ku soo kordhay oo la yidhaahdo TIKTOK, ayaa si weyn looga qayliyey dhibaatada dhinaca dhaqanka ee uu keenay, waxaana jira wadamo badan madnuucay in dalkooda lagu isticmaalo iyo qaar xeerar ka soo saaray.

Isticmaalka Soomaalida ee Tiktok waxa uu sii qarribay dhowrsanaan la’aantii iyo dheg-xumadii dhalinyarada dhinaca xun ugu shaqaysatay baraha bulshada . waxa uu sii qaawiyey qaawanaantii hore, waxaanu sii qiimo-tiray qiime dhacii hore.

“Anigu bahalkaa waxaan u bixiyey Is-xaraash. waayo Hablaheenii qiimaha iyo dhabanka lahaa halkaasay iyagoo aan sharaftooda dhowrayn isa soo wada dhigeen oo aad moodaa in ay isku xaraashayaan”ayuu yidhi Abwaan Yusuf Shaacir oo kamida bahda dhaqanka iyo Suugaanta Somaliland.

Abwaanka oo todobaadkii hore warbaahinta ka hadlay, waxa uu sheegay in quruxdii iyo Qaayihii Gabdhaha iyo Wiilalshu ay ku gubteen garoomada laga dhex furay shebekaddaha Internet-ka, una muuqan wakhti xaadirkan cid wax ka qabanaysa, inkasta oo uu ku taliyey in sharci adag laga soo saaro dhaqan-xumadda baraha bulshada.

Ugu dambeyn, waxa muhiim ah in bulsho ahaan iyo qaran ahaanba loo dhug iyo dhaaddanaan yeesho sida ay u korayso saameynta xun ee ay baraha bulshadu ku hayaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Somaliland, taasoo haddii la dhaadi waayey, isla markaana la dhayalsado inala gaadhi doonta heer qof kasta oo dhibtu agtiisa amma qoyskiisa gaadho.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

Leave a Reply