Ayaan-daran : Beer Xuduud u Ah laba Waddan

0
778

Goraya-cawl (Dawan) Beerta Ayaan Daran waxaa ay ka mid tahay beeraha deegaan ahaan ku yaala degmada Goraya-cawl ee gobolka Awdal, waxaa kala qaybiya xadka Somaliland iyo Itoobiya, qayb ahaan beertani waxaa ay ku taala gudaha Somaliland halka inta kalena ay ku taallo Itoobiya.

Hadaba  xadka rasmiga ah ee beertan ee  kala qaybiya  waa geed Goba oo ku yaala badhtamaha beertaasi, iyada oo ku taalla dhinaca Hawd ee jiddka taga magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Beertani waxaa  dadka intooda aan aqoonta u laheyni ay u arkaan uun beer yar, balse uma qabaan in uu jiro xad kala qaybiya oo ay beertani leedahay una dhaxeeya labada waddan oo jaar ah.

Beertani waa mid soo jiidatay indhaha dad badan oo bulshada u safra goboladda galbeedka Somaliland, waana tii nooceeda ah ee ku taalla Somaliland.

Ibraahim Cabdi Maxamed oo uu adeerkii leeyahay beerta ayaa ka waramay beertan labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya kala qaybisa iyo waxaa ay iyaga uga dhigan tahay “Beertu waxaa weeyaan labada waddan, xadkaana kala qaybiya, adeeerkay Maxamed Cilmi ayaa leh beertan,  cashuurta labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiyaba waa ay naga qaadan mid walbana gaar ayaanu u bixina, aad ayay u wanaagsan tahay oo waa meel ay laba xad ku dhaceen, geedkan Gobka ah ee iga danbeeya ayaa beerta kala qaybiya, isagana ah xadka rasmiga ah ee ee labada waddan  u dhaxeeya”

Sawirka Beerta Ayaan Daran waxaa ay ka mid tahay beeraha deegaan ahaan ku yaala degmada Goraya-cawl ee gobolka Awdal, waxaa kala qaybiya xadka Somaliland iyo Itoobiya, qayb ahaan beertani waxaa ay ku taala gudaha Somaliland halka inta kalena ay ku taallo Itoobiya.xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Beerta Ayaan Daran waxaa ay ka mid tahay beeraha deegaan ahaan ku yaala degmada Goraya-cawl ee gobolka Awdal, waxaa kala qaybiya xadka Somaliland iyo Itoobiya, qayb ahaan beertani waxaa ay ku taala gudaha Somaliland halka inta kalena ay ku taallo Itoobiya./wiil yar oo ka mida carruuta meesha ku dhalatay/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply