Wakhtiga Shaqadayda Waa Dhamaystay!

0
447

Dalka Spein Darwal tareen ayaa gurigiisa iska tegay ka dib markii uu safar qaatay 300 km, ku jiray soo gaadhay magaalda Santander ee dalkaasi Spein oo uu ku yaallo gurigiisu, Wadaha ayaa Rakaabka u sheegin in aanu soo noqonayn , iyaguna waxay u haysteen inuu soo noqoanyo waxaana ay sugeen muddo dheer .

Shirkadda Tareenada ayaa markii danbe ee  9:00 habeenimo u keentay rakaabka gaadiid kale oo oo gaadhsiiya caasimadda Madrid oo ah halka ay u socdeen 2:30 habeenimo.

Afhayeen u hadlay ururka wadayaasha Tareenada ayaa sheegay in darawalku shirkadda ogaysiiyay in saacidihii shaqadiisa ay ku dhaw yihiin  dhamaad isla markaana aanu doonayn inuu saacado dheeraad ah sii sheqeeyo oo ay dhib ku tahay, laakiin aanay shirkaddu si dhakhso ah uga jawaabin, khaladkana ay iyadu leedahay.

Shirkaadda Tareenada ee Renfe ayaa iyaduna dhinaceeda ka raali gelin siisay Rakaabka iyadoo isla markaana dhamaantood u celisay noolkooda oo dhamaystiran inkasta oo ay goobohoodii gaadhsiisay. Shaqo kasta is fahan iyo wada shaqayn maamul hagayo ayay u baahantay.

Leave a Reply